Sacuudiga oo lagu marqaati furayo weerarkii daaraha mataanaha

Image

WASHINGTON, US – Ninka ku eedeysan in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii daaraha mataanaha ee dhacay 11-kii September sanadkii 2001-dii, ayaa "ogolaaday" in uu garab-siiyo dhibaneyaasha dhacdadaasi.

Khaliid Sheekh Maxamed oo sanadkii 2013-kii laga soo qabtey waddanka Pakistan ayaa tan iyo waqtigaasi wuxuu ku jiraa xabsiga Mareykanku maamulo ee ku yaala waddanka Cuba ee Guantanamo Bay.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku waramaya in Khaliid uu aqbalay in uu ku martiqaati furo Sacuudiga, oo lagu eedeeyay in uu door ku lahaa weerarkaasi oo galaaftay ku dhowaad saddex kun oo ruux.

Dhinaceeda, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale eedeysanaha uu albaabada u furay in uu kala caddeeyo hadii Mareykanka uu ka caga jiidayo inuu isaga ku xukumo dil toogasho.

Sheegashooyinkan ayaa waxaa lagu xusay qoraalo ay Maxkamad ku taala waddanka Mareykanka u gudbiyeeen Qareen matalaya shaqsiyaad iyo ganacsato magdhow ka doonaya Sacuudi Carabiya.

Xukuumadda Riyadh ayaa dhowr jeer gaashaanka ku dhufatay in ay ku lug-lahayd weeraradii 2001-dii, kuwaasi oo loo adeegsaday diyaarado lasoo afduubtay oo lagu burburiyay dhowr xarumood oo New York ku yaala.

Baraha lagu burburiyay diyaaradaha ayaa kala ah; dhismaha Xarunta Ganacsiga Caalamka, guriga Wasaarada Difaaca Mareykanka ee Pentagon oo ku yaala duleedka Washington, iyo xarunta is-maamulka Pennsylvania.

Shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda musiibadaasi oo noqotay mid kamid ah kuwii ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah ee ka dhaca guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM