Sacuudiga oo Mareykanka uga digay howlgalka dhulka ee Israa’iil ka waddo Qasa

Image

Riyaad - Sacuudiga ayaa uga digay Mareykanka in howlgalka dhulka ah ee Israa’iil ka waddo marinka Qasa uu “cawaaqib xun” ku yeelan doono Bariga Dhexe.

Wargeyska “New York Times” ayaa soo xigtay sarkaal Sacuudiyaan ah iyo ilo kale oo xog ogaal ah oo sheegay in saraakiisha sarsare ee Sacuudi Carabiya ay u gudbiyeen Mareykanka qoraallo ay uga digeen in howlgalka dhulka ay Israa’iiliyiintu doonaayaan uu isu beddeli doono musiibo ku faafta wadamada gobolka.

Sarkaal ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay inay iska caddahay in Sacuudiga uusan dooneyn duulaanka Israel ee Qasa, sidoo kale Sacuudiga ayaa digniintooda u gudbiyay xildhibaanada Mareykanka.

Koox ka kooban 10 Senetar oo Mareykan ah ayaa todobaadkii hore magaalada Riyaad kula kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Senetarka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida, oo ka mid ah kooxda aan kor ku soo sheegnay, ayaa wareysi uu siiyay New York Times ku yiri:

 "Hoggaanka Sacuudiga wuxuu rajeynayaa in laga fogaado howlgal dhulka ah si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka." isagoo intaa ku daray in saraakiisha Sacuudiga ay ka digeen in howlgalkaan uu keeni doono khasaare baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM