Sacuudiga oo soo rogay amar ku saabsan Xajka 2021

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Wasaaradda caafimaadka ee boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in kaliya dadka laga tallaalay COVID-19 loo oggolaan doono in ay ka qeyb galaan Xajka sannadkan, sidda uu ku warramay wargeyska afka dheer ee kasoo baxa Sucuudiga ee Okaz.

"Tallaalka COVID-19 waa mid khasab ku ah kuwa doonaya inay yimaadaan Xajka waxayna noqon doontaa mid ka mid ah shuruudaha ugu waaweyn (si loo helo rukhsad ay ku yimaadaan)," ayaa lagu yiri warbixinta Jariiradda ee Isniintii, iyadoo lagu xusay wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka caafimaadka taasoo warbaahinta xorta ah aysan helin.

Sacuudi Carabiya ayaa ku faana ilaalinta goobaha ugu karaamada badan ee Islaamka oo kala ah Maka iyo Madiina si lamid ah in ay si habsami leh isugu dabarido Xajka sanadlaha ah kaasoo ay horey u soo mareen dhacdooyin is-buurasho, rasaaseyn iyo rabshado.

Sanadkii 2020, boqortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada Xujeyda, waxaana loo fasaxay kaliya 1,000 qof oo isugu jira muwaadiniinta Sacuudiga ah iyo dadka deggan boqortooyada, waxaana talaabadaas loo cuskaday ka hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus.

Taariikhda casriga ah, waxay ahyad markii ugu horeysay oo Muslimiinta laga mamnuucay in ay cibaadada ka baaqdeen.

Xajka oo ah waajibaad noloshiisa mar uun saaran qof kasta oo Muslim ah kaasoo awoodi kara dhaqaalaha ku baxeysa, waa isha ugu weyn ee dakhliga ka soo gala dawladda Sucuudiga.

Jameecada malaayiin Xujeyda ah oo ka kala socda daafaha dunida ayaa sabab weyn u noqon kara gudbinta Coronavirus

Dhanka kale, wasiirka Caafimaadka ee Sacuudiga, Dr Tawfiq al-Rabiah, wuxuu sheegay in dowlada ay tahay inay u diyaar garowdo "sugida ciidamada loo baahan yahay inay ku shaqeeyaan xarumaha caafimaadka ee Mecca iyo Madiina".

"Xarumahan waxaa laga hirgelin doonaa meelaha ay kasoo gelayaan Xujeyda," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la sameyn doona guddi ka shaqeeya talaalidda Xujeyda ku sugan Sacuudi Carabiya kuwaasoo si lamid ah hubin doona qaarka aan soo qaadan talaalka ay xaqiijisey hay'ada WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM