Sacuudiga oo toogtay askar lagu eedeeyay "la shaqeynta cadow"

Image

RIYADH, Saudi Arabia - BoqortooyadaSacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay seddex askari oo lagu helay "khiyaano qaran" iyo "la shaqeynta cadawga," sidda ay ku dhawaaqdey warbaahinta dowladda.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee boqortooyada ayaa lagu sheegay in seddexda qof ay maxkamad takhasus leh kiiska ku xukuntay dil kadib "habraac cadaalad ah".

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda ee Sacuudi Carabiya ayaa warisay in raggan ay yihiin askar ka shaqeysa wasaaradda difaaca. Faahfaahin kama bixin sida shaqsiyaadka "u caawiyaan cadowga".

Wasaaraddu waxay magacowday saddexda askari oo kala ah - Mohammed bin Ahmed, Shaher bin Issa iyo Hamoud bin Ibrahim - iyadoo aan cadeyn "cadowga" lagu eedeeyay inay gacan siiyeen.

Bayaanka ayaa laguxusay in askarta xukunka lagula fuliyay xarunta taliska koonfureed ee militariga, oo saldhiggiisu yahay meel u dhow xadka Yemen, halkaas oo Sacuudi Carabiya uu hogaaminayo howlgal lix sano ah socda kana dhan ah fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran.

Dilkan ayaa imanaya iyadoo Amiir Maxamed bin Salmaan (MbS), oo ah 35 jir dhaxalsugaha boqortooyada, uu ka shaqeynayo sidii uu u sii xijisan lahaa awoodda.

Kooxaha u dooda xuquuqda, oo ay ku jirto Amnesty International, waxay ugu baaqeen Riyadh inay joojiso isticmaalka ciqaabta dilka, iyagoo ku andacoonaya eedeymaha jirdil iyo maxkamadeyn aan caddaalad ahayn Sacuudi Carabiya way beenisay eedeymahaas.

Marka loo eego tirokoob ay soo bandhigtay hay'adda caalamiga ah ee Amnesty International, Sacuudi Carabiya ayaa kaalinta sadexaad kasoo gashay liisaska dalalka xukunada dilalka toogashada fuliyey 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM