Sacuudiga oo toogtay askar lagu eedeeyay "la shaqeynta cadow"

Image

RIYADH, Saudi Arabia - BoqortooyadaSacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay seddex askari oo lagu helay "khiyaano qaran" iyo "la shaqeynta cadawga," sidda ay ku dhawaaqdey warbaahinta dowladda.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee boqortooyada ayaa lagu sheegay in seddexda qof ay maxkamad takhasus leh kiiska ku xukuntay dil kadib "habraac cadaalad ah".

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda ee Sacuudi Carabiya ayaa warisay in raggan ay yihiin askar ka shaqeysa wasaaradda difaaca. Faahfaahin kama bixin sida shaqsiyaadka "u caawiyaan cadowga".

Wasaaraddu waxay magacowday saddexda askari oo kala ah - Mohammed bin Ahmed, Shaher bin Issa iyo Hamoud bin Ibrahim - iyadoo aan cadeyn "cadowga" lagu eedeeyay inay gacan siiyeen.

Bayaanka ayaa laguxusay in askarta xukunka lagula fuliyay xarunta taliska koonfureed ee militariga, oo saldhiggiisu yahay meel u dhow xadka Yemen, halkaas oo Sacuudi Carabiya uu hogaaminayo howlgal lix sano ah socda kana dhan ah fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran.

Dilkan ayaa imanaya iyadoo Amiir Maxamed bin Salmaan (MbS), oo ah 35 jir dhaxalsugaha boqortooyada, uu ka shaqeynayo sidii uu u sii xijisan lahaa awoodda.

Kooxaha u dooda xuquuqda, oo ay ku jirto Amnesty International, waxay ugu baaqeen Riyadh inay joojiso isticmaalka ciqaabta dilka, iyagoo ku andacoonaya eedeymaha jirdil iyo maxkamadeyn aan caddaalad ahayn Sacuudi Carabiya way beenisay eedeymahaas.

Marka loo eego tirokoob ay soo bandhigtay hay'adda caalamiga ah ee Amnesty International, Sacuudi Carabiya ayaa kaalinta sadexaad kasoo gashay liisaska dalalka xukunada dilalka toogashada fuliyey 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM