Sacuudiga oo Xajka ku martisooraya qoysaska Muslimiinta lagu laayey NZ

Image

RIYADH, Sacuudi – Sacuudiga Carabiya ayaa ku dhawaaqay in uu Xajka sanadkan ku martisoorayo 200 oo kamid ah qoysaska Muslimiintii iyaga oo cibaadeysanaya lagu xasuuqay Christchurch ee dalka New Zealand.

Wakaaladda wararka u faafisa dalkaasi Carbeed ayaa Arbacadda maanta ah waxay si rasmi ah u baahisay warkaasi oo ay xustay in uu kasoo baxay Boqortooyadda.

Sidda laga soo xigtay Saudi Press Agency, boqor Salman Bin Cabdicasiis Al Sacuudi ayaa amray in dadkaasi ay gutaan acmaasha barakeysan ee Xajka.

SPA ayaa waxay hoosta ka xariiqday in go’aankaasi uu qeyb yahay in murugada iyo xanuunka lala qeybsado dhibaatada soo gaarta dhibaneyaashaasi.

Warfidiyeenka ayaa sidoo kale waxay tilmaamtay in talaabadaasi ay qeyb ka tahay xoojinta dagaalka uu Sacuudiga kula jiro kooxaha loogu yeero "argagixisada".

Bishii Maaj 15-keeda 2019 ayay ahayd markii argagixiye Brenton Tarrant uu weeraray laba masjid oo ku taala Christchurch iyada oo lagu jiro Salaada Jimcaha, halkaasi oo uu ku dilay 51, uuna ku dhaawacmy 49 kale.

Dhacdadaasi oo caalamka oo idil si isku mid ah uu u cambaareeyay ayaa waxaa lagu sifeeyay mid qeyb ka ah Islaam-naceybka sii badanaya ee kusii baahaya dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM