Sacuudiga oo Xajka ku martisooraya qoysaska Muslimiinta lagu laayey NZ

Image

RIYADH, Sacuudi – Sacuudiga Carabiya ayaa ku dhawaaqay in uu Xajka sanadkan ku martisoorayo 200 oo kamid ah qoysaska Muslimiintii iyaga oo cibaadeysanaya lagu xasuuqay Christchurch ee dalka New Zealand.

Wakaaladda wararka u faafisa dalkaasi Carbeed ayaa Arbacadda maanta ah waxay si rasmi ah u baahisay warkaasi oo ay xustay in uu kasoo baxay Boqortooyadda.

Sidda laga soo xigtay Saudi Press Agency, boqor Salman Bin Cabdicasiis Al Sacuudi ayaa amray in dadkaasi ay gutaan acmaasha barakeysan ee Xajka.

SPA ayaa waxay hoosta ka xariiqday in go’aankaasi uu qeyb yahay in murugada iyo xanuunka lala qeybsado dhibaatada soo gaarta dhibaneyaashaasi.

Warfidiyeenka ayaa sidoo kale waxay tilmaamtay in talaabadaasi ay qeyb ka tahay xoojinta dagaalka uu Sacuudiga kula jiro kooxaha loogu yeero "argagixisada".

Bishii Maaj 15-keeda 2019 ayay ahayd markii argagixiye Brenton Tarrant uu weeraray laba masjid oo ku taala Christchurch iyada oo lagu jiro Salaada Jimcaha, halkaasi oo uu ku dilay 51, uuna ku dhaawacmy 49 kale.

Dhacdadaasi oo caalamka oo idil si isku mid ah uu u cambaareeyay ayaa waxaa lagu sifeeyay mid qeyb ka ah Islaam-naceybka sii badanaya ee kusii baahaya dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%.

  • Caalamka

    01-07-2025

  • 05:21PM

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM