Safaaradda Iran oo si adag uga jawaabtay hadalkii Trump ee ku saabsanaa aaska Khamenei
Tehran/Yerevan (GO) – Safaaradda Iran ee dalka Armenia ayaa si adag uga falcelisay hadal uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, siiyay warbaahinta Axios, kaas oo uu kaga hadlay munaasabadda aaska Hoggaamiyihii Sare ee Iran, Ali Khamenei.
Trump ayaa sheegay inuu awood u lahaa inuu beegsado dhammaan dadkii ka qaybgalayay aaska, balse uu ka baaqsaday arrintaas, isagoo xusay in haddii sidaas la sameeyo aysan jiri lahayn cid dambe oo wada-hadal lala galo. Waxa kale oo uu sheegay inuu la yaabay tirada dadka ka barooranayay Khamenei, isagoo sheegay inuu u haystay in shacabka Iran ay neceb yihiin hoggaamiyaha.
Safaaradda Iran ee magaalada Yerevan ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ku sheegtay in dadka la dili karo, balse aan la dili karin mabda’a iyo fikradaha ay aaminsan yihiin.
Waxay intaas ku dartay in dilka qof uusan baabi’in karin saameynta iyo fikirka uu bulshada ku reebay, iyadoo Trump ku eedeysay inuusan fahmin qiimaha ilbaxnimada, taariikhda iyo sharafta.
Is-weydaarsigan hadallada ah ayaa imanaya xilli xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay weli taagan tahay, iyadoo labada dhinac ay sii wadaan hadallo kulul oo ku saabsan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirkooda.
GAROWE ONLINE