Saldhig ay leeyihiin ciidanka cirka India oo la weeraray
NEW DEHLI, India - Saraakiisha Hindiya ayaa shaaca ka dhigay in ay tuhunsan yihiin in diyaarado laga soo buuxiyay walxaha qarxa loo adeegsaday weerar lagu qaadey saldhigga ciidamada cirka ay ku leeyihiin magaalada Jammu oo ku taal gobolka Kashmir qeybta ay maamusho Hindiya, iyagoo ku tilmaamay "shilkii ugu horreeyay noociisa ee ka dhaca waddankaas".
Dilbagh Singh, oo ah agaasimaha guud ee booliska ee gobolkan si rasmi ah loogu yeero Jammu iyo Kashmir, ayaa u sheegay mareegta wararka gaarka loo leeyahay ee New Delhi Television (NDTV) Axaddii in "diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka loo adeegsaday labada qaraxyada". Singh ayaa falkaas wuxuu ku tilmaamay "weerar argagixiso".
Taliska Ciidamada Cirka ee Hindiya ayaa bartiisa gaarka ah ee mareegga Twitter-ka wuxuu ku soo qoray in weerarkaas uu waxyeello yar ka soo gaaray saqafka sare dhisme ku yaal saldhigga, halka qarax kale uu ku dhacay goob bannaan. "Ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaadhay qalab kasta," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedkan aadka loo koobnaa.
Qaraxyadan oo dhacay saacadihii hore ee Axada intii u dhaxeysay 1:30 am ilaa 2am waqtiga maxaliga ah ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof, sida ay wakaaladaha wararka ee Reuters u sheegeen saraakiil amaan oo aan la magacaabin.
Waxay intaa ku dareen in qaraxyadan, oo ka dhacay meel 14km u jirta xudduudda dhabta ah ee Pakistan, ay walwal ku abuureen goobaha amniga maadaama ay calaamadeyn karaan markii ugu horreysay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsado weerar ka dhaca Hindiya. Singh ayaa u sheegay NDTV in qarax aan qarxin markii dambe laga helay meel kale.
Falaagada ka dagaalanta gobolkaas ayuu ku eedeeyay weerarka kuwaas oo doonaya in ay madax-banaani helaan ama in ay la midoobaan dersooda Pakistan. Hindiya iyo Baakistaan labaduba waxay guud ahaansheegtaan gobolka ay ku badan yihiin Muslimiinta laakiin waxay xukumaan oo keliya qaybo ka mid ah.
Masuuliyiinta Hindiya ayaa waxay sheegeen in baareyaasha sahmiyeen goobta wax ka dhaceen in ay baadigoobayaan tafaasiisha hadaari ay heleen kuna wareejiyeen hay'adda ugu sareysa ee la dagaalanka argagixisadda.
Saldhigga cirka ee Jammu ayaa sidoo kale wuxuu yahay madaar diyaarad oo rayid ah. Wakaaladda wararka ee Press Trust ee Hindiya oo soo xigatay agaasimaha garoonka, Pravat Ranjan Beuria, ayaa warisay in aysan jirin wax carqalad ah oo ku yimid duulimaadyada rayidka ah. "Sidoo kale, ma jiro wax hakad ah oo ku yimid duulimaadyadda," ayuu kusoo afjaray.
GAROWE ONLINE