Sarkaal ka howlgalay Somalia oo ka kacay dhaawac halis ah
WASHINGTON, USA - Charles Jackson Jr wuxuu hoygiisa u noqdey mid ka badbaado badan safaro badan oo waajibaad ah oo uu kusoo qaatay aagagga ay colaaddo ka jiraan. Isla gurigiisa - Fayetteville - waa goobta uu sigtay in lagu dilo.
Jackson waa sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada badda Mareykanka kana soo shaqeeyey isaga oo kamid ah bileyska sidda gaarka ah u tababaran deegannada Desert Shield, Desert Storm iyo Soomaaliya.
Shalay, seddex bilood uun kadib markii madaxa laga toogtay, wuxuu ka baxay isbitaalka Cape Valley asaga oo taam ah, waxaana arrintaas ay burisay sheegashooyinkii dhakhaatiirta ee ahaa in uusan nooleyn doonin.
Bishii Abriil 8-deeda, Jackson oo ilaalo ka ah baarka Phat Daddy's Sports ee ku yaal Fayetteville ayaa dhaawac culus uu madaxa kasoo gaarey isaga oo isku dayay in uu qaboojiyo dagaal ka dhacay goobta gawaarida la dhigto.
"Waxaan ku arkay qoriga baska. Waxaan taageeray inta u dhexeysa gawaarida. Waxaan xasuustaa xanuun daran oo ka qabtay gacanta, ka dibna wax kale ma xasuusto," ayuu yiri Jackson oo xasuusanaya wixii habeenkaas dhacay.
Konton sano jirkan ayaa tibaaxay in hal xabad ay kaga dhacday gacanta. Rasaas kale waxay la haleeshay madaxa waxayna ka baxday ishiisa bidix, taas oo dhabaha u xaartey in dhakhaatiirta ay u sheegaan in uusan noolaan doonin.
Jackson ayaa waxaa sameeyay qalliinno badan tan iyo markii toogashada, oo ay ku jirto isha. Dhaawaca wuxuu horseeday in uu ka naafobo dhinaca midig ee ishiisa. Sidoo kale, waxaa lagu waramay in uu wali jiro xanuun qalal ama qabatin.
Will Francis, oo 29 jir ah, ayaa wajahaya dacwad la xiriirta isku day dil oo darajada koowaad ah lana xiriirta toogashada. Dacwadaas waxaa lagu soo oogay markii la helay muuqaal laga duubay toogashadda.
Sida ay warisay saxaafadda, Francis habeenkaas wuxuu ku sugnaa maqaayadda, isagoo u dabaaldegayay in loo dalacsiiyey laba xidigle heerka koowaad. Waqti xaadirkan wuxuu banaanka ku joogaa damaanad, balse waa cadaalad iyo maxkamad suge.
GAROWE ONLINE