Saxafiyiin shaqada looga eryay in aysan iska talaalin Covid-19

Image
Shirkadda wararka CNN ayaa tibaaxdey in howlwadeenadan ay xafiiska tageen ayaga oo aan qaadan talaalka fayruska. [Photo: AP]

WASHINGTON, USA - Shabakadda wararka Mareykanka ee CNN ayaa ceyrisay saddex kamid ah shaqaalaheeda kuwaasoo tagay xafiis iyagoo aan iska tallaalin Covid, sida ay warisay warbaahinta Ameerika.

Waa mid ka mid ah tusaalooyinkii ugu horreeyay ee shaqaale looga eryay shirkad Mareykan ah sababo ku aadan jebinta waajibaadkii tallaalka shirkadda oo soo rogay in shaqaaluhu qaataan talaalka.

Shirkado badan oo waaweyn - oo ay ku jiraan Facebook iyo Google - ayaa sheegaya inay u baahan doonaan shaqaalaha in la tallaalo marka xafiisyada si buuxda dib loo furo bilaha soo socda.

Madaxa CNN, Jeff Zucker, ayaa xil ka qaadista ku sheegay qoraal shirkaddu soo saartey Khamiistii oo ay arkeen dhowr warbaahin oo Maraykan ah. "Tallaalku wuxuu khasban yahay qof kasta oo ka warrama goobta, la shaqaynaya shaqaale kale ama gala xafiis," sida lagu sheegay qoraalka.

"Aan caddeeyo - waxaan leenahay siyaasad dulqaad la'aan ah," ayuu yiri Mr Zucker, oo ah guddoomiyaha shirkadda warbaahineed ee ka faaloota wararka iyo isboortiga ee WarnerMedia.

Bishii Maajo dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay sharci u tahay loo-shaqeeyayaasha inay ka dalbadaan shaqaalaha xaadiraya xafiisyadda ama goobaha shaqada in laga tallaalo Covid-19.

Shirkadaha duulimaadyada waaweyn ee Delta iyo United Airlines ayaa faray shaqaalaha cusub inay muujiyaan caddaynta tallaalka, halka bangiga maalgashiga Goldman Sachs uu ka doonayo howlwadeenadda inay soo bandhigaan heerka tallaalkooda, inkasta oo uusan u baahnayn shaqaalaha in la tallaalo, sida ay daabacdey majaladda AP.

Madaxweyne Joe Biden oo hadlay asbuucii hore ayaa ku amray laba milyan oo shaqaale federaal ah inay muujiyaan caddeynta tallaalka ama la mariyo baaritaan khasab ah iyo xirashada maaskaro ama afsaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM