Shacab ku dhamaadey duqeyn ay Yahuuda la beegsatay xero barakac

Image
Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warinaysa ugu yaraan 17 dhimasho ah.

DOOXA, Qadar - Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warinaysa ugu yaraan 17 dhimasho ah oo xalay ka dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat ka dib markii habeennimadii duqaymo culus ay Israa'iil ka geysatay bartamaha Gaza.

Mar sii horeysay, waxaan lasoo sheegay in ugu yaraan 7 qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar lagu qaaday guri ku yaala Nuseirat, halka shan qofna la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar kale.

Ugu yaraan 274 qof oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah ayaa lagu dilay xerada qaxootiga ee Nuseirat horaantii bishan ka dib markii milatariga Israa’iil ay sameeyeen hawlgal badbaadin ah oo lagu soo furtay afar maxaabiis Israa’iili ah oo halkaas lagu haystay.

"Waxaan kuu soo bandhigi doonaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarrada habeenkii ee Israa'iil ee aagga marka aan helno," ayuu yiri sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM