Shacabka Qatar oo u dareeray doorashaddii ugu horeysay

Image
Image
Image
Image
Illaa 183 musharrax ayaa ku haray tartanka loogu jiro 30-ka kursi ee Golaha Shuurada.

DOHA, Qatar — Dadka reer Qatar ayaa Sabtida maanta ah ka qeybagalaya codeyntii u horreysay ee baarlamaani ah ee dalkani uu qabto, taasi oo muujineysa astaan dimuqraadiyadeed laakin ay falanqeeyeyaashu sheegayaan in aysan horseedi doonin in ay talada ka wareejiso qoyska boqortooyada ee dalkaasi ka taliya, sidaasina waxaa warisay AFP.

Waxaa loo codeynayaa 30 xubnood oo ka mid noqonaya 45-ka xubnood ee Golaha Shuurada, kaasi oo ah gole leh awoodo xadidan uuna horey u soo magacaabi jiray amiirka dalkaasi.

Ilaa 101 musharrax oo ka badan saddex meelood meel musharaxxiinta ayaa tartanka isaga haray ama ka tanaasulay ka hor galabnimadii maanta, sida laga soo xigtay TV-ga ay dowladdu maamusho ee Qatar TV, waxayna tallaabadaasi u muuqataa mid ay ku taageerayaan musharraxiinta kale ee deegaan doorashadooda.

183 musharrax ayaa ku haray tartanka loogu jiro 30-ka kursi ee Golaha Shuurada, iyadoo 15-ka kursi ee dhimman uu soo magacaabi doono Amiirka dalkaasi.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in go'aanka ah in doorasho la qabto uu dalbanayay dastuurkii 2004-tii laakiin marar badan dib loogu dhigay wax loogu yeeray “danaha qaranka”, iyadoo ay doorashadani imanayso xilli ammaanka si weyn loo adkeeyay oo ay Qatar ay isku diyaarineyso martigelinta Koobka Adduunka ee 2022-ka.

“Waa hab ay ku muujinayaan in ay u dhaqaaqeen jihada saxda ah, iyo in ay doonayaan in ay gaaraan ka qaybgal siyaasadeed oo badan,” ka hor ciyaaraha Koobka Adduunka ayay tiri Luciano Zaccara, oo bare ka ah Jaamacadda Qatar.

Golaha Shura ayaa loo oggolaan doonaa in uu soo jeediyo sharciyada, ansixiyo miisaaniyadda iyo inuu wasiirada u yeeri karo. Laakiin amiirka, oo ah kan ugu awoodda badan ee dalkan ayaa leh ama adeegsan kara awoodda diidmada ee loo yaqaan veto.

AFP + VOA

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM