Shiinaha oo dhaliilay weerarka Israa'iil ee Qasa

Image

QASA - Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Axaddii sheegay in ficillada Israa'iil ee ka waddo Qasa ka dib weerarkii Xamaas ay "dhaafeen xadka is-difaaca", dowladda Israa'iilna ay tahay inay joojiso "ciqaab wadareedka ee kula kacayso dadka deggan marinka.


Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa intaa ku daray in Shiinuhu uu aaminsan yahay in cadaalad darada taariikhiga ah ee ka dhanka ah Falastiin, taas oo socota in ka badan nus qarni aysan sii socon karin.


Docda kale, In ka badan 1,300 oo qof ayaa lagu dilay weerar ay Xamaas ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, halka jawaabta Israa’iil ay horseeday in in ka badan 2,329 qof oo ay ku jiraan 700 oo carruur ah lagu dilay marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM