Shiinaha oo si dadban digniin ugu diray Mareykanka

Image

BEJING, China - Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ka digay in quwadaha shisheeye ay "isku dayaan in madaxa dalkiisa hoos-aadiyaan" iyo "in ay cabsi-geliyaan" ama saameyn ku yeeshaan wadankiisa.

Xi ayaa hadalkan wuxuu kaga dhawaajiyey munaasabad lagu xusayay boqol-jirsiga Xisbiga Talada haya ee Talada haya ee Shuuciga ah taasoo qabsoontay Khamiistii shalay ahayd.

Mr Xi ayaa sidoo kale wuxuu cod dheer ku sheegay in Beijing aysan ogolaan doonin "sheegashooyinka maqadaska ah"; dhawaqan waxaa loo maleynayaan in ay ku wajahan yihiin waddanka Mareykanka.

Dhawaqan ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Shiinuhu wajahayo cambaareyn la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xasuuq la sheegay in uu ka geystay Hong Kong

Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday muddooyinkii ugu dambeeyay iyadda oo ay hareeyeen xifaaltanka ka jira dhinacyadda ganacsiga, basaasnimada iyo aafada.

Arrinta Taiwan sidoo kale xudunta isha ugu weyn ee xiisadda. Inkasta oo Taiwan oo dimoqraadi ah ay isu aragto dal madax-bannaan, haddana Beijing waxay u aragtaa jasiiradda ama gobol ka go'ay.

Mareykanka waxaa ka jira sharciyo gaar ah kuwaas oo xeerinaya in Washington ay u gurmaneyso ayna difaaceyso Taiwan haddii xukuumadda Beijing ay isku dayo in xoog u isticmaasho soo ceshashadda jasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM