Shirkad loo ciqaabay caddeyn laga helay badda Soomaaliya

Image

WASHINGOTN, USA - Dowladda Mareykanka ayaa waxay xayiraad kusoo rogtay shirkad ka shaqeysa dhoofinta cunooyinka badda oo fadhigeedu yahay waddanka Shiinaha taasoo magaceeda lagu sheegay Dalian Ocean Fishing Company.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington oo go'aankan soo saartey 28-dii bishan May ayaa ku eedeysay shirkadan in ay si qasab ah ugu shaqeysato qaar kamid ah howlwadeenada taasoo caddeyn loo helay.

"Sababtaas darteeda, Mareykanku wuxuu mamnuucayaa badeecadaha baddaha ee ay soo dhoofiso shirkaddan," ayaa la raaciyey qoraalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Sida ku xusan bayaanka, caddeymaha waxaa kamid ah muuqaalo si qarsoodi ah loo duubay kuwaasoo muujinaya howlwadeeno u dhashay Indonesia oo u geeriyoodey tacadigaas kadibna meydkooda lagu tuuray badda.

Muuqaal kale oo kamid ah caddeynta ayaa tusinaya howlwadeen kale kaasoo socodka dhibayo isla markaana lasoo wariyey in kalkii dambe uu geeriyoodey isla markaana meydkiisa lagu tuuray afaafka biyaha Soomaaliya.

"Hal kalluumeysato ayaa meydkiisa laga helay qaboojiye bishii Luulyo 2020. Bishii xigta, seddex Indonesiyaan ah ayaa laga duubay filim iyagoo codsanaya in laga badbaadiyo dooni kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha," ayaa lagu yiri faalo lagu daabacay mareega Theepochtimes.com taasoo ku baaqeysa talaabooyin dheeraad ah kana dhan ah dowladda China.

Biyaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kamid yihiin baddaha ay ka dhacaan xadgudubyada ugu badan aduunka taasoo kaliftey in lagu soo daabulo ciidamo caalami ah kuwaasoo ilaaliya wallow dhankooda eeda ay qeyb ka yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM