Shirkadda Twitter oo soo rogtay go'aan si gaar ah u saameynaya Trump

Image

WASHINGTON, US – Shirkadda Twitter-ka ayaa ku dhawaaqdey qorshe cusub kaasi oo u muuqda mid lagu beegsaneyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sidda ay sheegeyso saxaafadda.

War kooban oo ay shirkadda soo saartay maanta oo Khamiis ah ayay si rasmi ah ugu shaacisay in masixi doono guud ahaan qoraalada lasoo dhigo bartaasi ee ka yimaada hogaamiyeyaasha caalamka kuwaasi oo hareer-marsan xeerarkeeda.

Wakaaladda wararka Faransiiska laga leeyahay ee AFP ayaa talaabadan ku sifeysay mid si gaar ah u saameyneysa fariimaha "xad ka baxa" ee ka yimaada hogaamiyaha Mareykanka, Donald Trump.

Trump ayaa wuxuu aad ugu caan-baxay in uu hawada ugu mariyo bartan qoraal qaarkood aflagaado ah [caay ah] siyaasiyiinta ay ku xifaaltaman saaxada siyaasada maxaliga ah si lamid ah kuwa caalamka.

Inkasta oo aysan marna Trump ka joojin adeegsiga barteeda, digniinta cusub ee ay shirkada Twitter soo saartey waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo Mareykanka ay ka bilaabatay olalaha doorashada 2020.

Aaladan casriga oo uu Donald Trump ku leeyahay malaayiin ruux oo ku xiran ayaa waxa la rumeysan yahay in ay fure u ahayd guushiisii doorashadii ugu dambeysay.

Trump ayaa dhowr jeer cabasho ka dhan ah shirkadan gudbiyey. Markii ugu dambeysay wuxuu ku eedeeyay in ay adkeysay in taageereyaashiisa ay isaga kusoo darsadan [Following]. Balse afhayeen u hadlay shirkada dafiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM