Shuruud lagu xiray Muslimiinta caalamka ee dooneysa Cumrada

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka dhigay inay bilaabi doonto qabashadda codsiyada Xujeyda Muslimiinta dibadda ka imaanaysa kuwaasoo iska talaalay Coronavirus 9-ka bishaan Ogosto.

Shaacintan lasoo mariyey warbaahinta dowladda ayaa timid qiyaastii 18 bilood ka dib markii boqortooyadu ay shuruudo ku xirtey xujayda ajnabiga ah sababo la xiriira cudurka faafa ee Coronavirus.

Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta wasaaradda ee isku duwa xujayda ajnabiga ah laga bilaabo Isniinta ay bilaabi doonaan "qabashadda codsiyada Cumrada dalal kala duwan oo adduunka ah".

Ogolaanshaha ayaa markii hore la siin doonaa 60,000 oo Xujey Cumro ah bishiiba, laakiin tiradaas ayaa si tartiib tartiib ah loo gaarsiin doonaa laba milyan bishii, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Xujeyda ka imaanaysa daafaha dunida, sida ku xusan qoraalka, waa inay codsiyadooda soo raaciyaan shahaadooyinka nooca tallaalka COVID-19 ee aduunyadda laga oggolaaday.

"Xujayda la tallaalay ee ka timid waddamada aan ku jirin liistada gelitaanka ee Sacuudi Carabiya waxay ku xirnaan doonaan karantiil hay'ad markay yimaadaan," ayay raacisay wakaaladu raacisay warbixinteeda

Cumradu waxaa loo tagaa laba kamid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka oo ah Maka iyo Madiina waxaana la samayn karaa wakhti kasta oo sanadka ah. Wuxuu ka duwan yahay xajka oo sannad walba mar la oogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM