Sidee buu Qur’aanka Kariimka u saameeyay xiddigii Hollywood Will Smith?

Image
Smith ayaa sheegay in uu akhriyay dhammaan Qur’aanka kariimka ah intii lagu jiray bisha Ramadaan.

Washington (GO) - Xiddiga Hollywood Will Smith ayaa marti ku ahaa barnaamijka wariye Amr Adeeb ee “Big Time Podcast”, oo lagu falanqeeyay mowduucyo xiiso badan oo taabanaysa dhinacyo badan ee nolosha xiddiga.

Waxyaabaha yaabka leh ee uu Smith shaaca ka qaaday waxaa ka mid ah in uu akhriyay dhammaan Qur’aanka kariimka ah intii lagu jiray bisha Ramadaan.

Smith ayaa xusay in labadii sano ee ugu dambeeyay noloshiisa caqabado kala duwan wajahay, taas oo ku kalifay inuu ka fekero arrimaha diinta la xariira. Waxa uu tilmaamay in muddadaas uu akhriyay dhammaan kutubta diiniga ah oo uu ku jiro Qur’aanka kariimka ah.

Will Smith waxa kale uu ka hadlay waxyaabha aadka u soo jiitay inta uu akhrinayay Qur’aanka sida qisadii Nabi Muuse (CS).

Mar wax laga weydiiyey waxa uga baxay akhrinta Qur’aanka, xiddiga Hollywood ayaa sheegay inuu la yaabay tirada jeer ee Nebi Muuse (CS) lagu sheegay Qur’aanka, isagoo carabka ku adkeeyay in nolosheysa iyo waayo-aragnimadiisa ay si weyn u saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM