Sidee Madaxweynaha Koonfur Afrika uga falceliyay go'aankii ICJ?

Image
Madaxweyne Ramaphosa ayaa bogaadiyay go'aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.

Cape Town (GO) - Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa Jimcihii bogaadiyay go'aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Israa'iil ugu soo rogtay tallaabooyin deg-deg ah oo ku saabsan dagaalka Gaza, isagoo sheegay inuu ka filayo Israa'iil inay u hoggaansanto xukunka.

Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil in ay qaado dhammaan tillaabooyinka laga maarmaanka ah ee looga hortagayo dambiyada dagaal, oo ka mid ah in dambi laga dhigo hadallada iyo falalka kicinta ah, iyo in ay qaadaan tillaabooyin lagu hagaajinayo xaaladda bini’aadantinimo ee marinka Qasa.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamaddu kuma baaqin xabbad-joojin, mana xaqiijin in gardarrada ka socota Qasa ay gaareyso xasuuq, waxaana laga yaabaa inay qaadato sannado badan si ay u soo saarto xukunkan.

Ramaphosa ayaa ku yiri khudbad uu u jeediyay Shacabka Koonfur Afrika, isaga oo tixraacayo xadgudubyada ay nidaamkii midab-takoorka u geysteen dadka madow ee Koonfur Afrika:

"Haddii aan nahay Koonfur Afrika daawadayaal ma noqon doono xilli dambiyada nalaga geystay meelo kale laga gaysanaayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM