Sideed qof oo lagu dilay weerar lagu qaadey jaamacad

Image
Ma cadda inta qof ee dhaawacmay. Booliska Ruushka ayaa sheegay in la xiray ninkii weerarka geystay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhimatay kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay jaamacad ku taalla magaalada Perm ee dalka Ruushka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Gacan ku dhiiglaha oo subaxnimadii Isniinta beegsadey xarunta jaamacadda ayaa si degdeg u  bilaabay inuu toogto qof kasta oo uu ku arkay guud ahaan dhismaha xarunta.

Ardaydii iyo macallimiintii oo xilligaas ku mashquulsanaa dasruusta maalinlaha ah ayaa jahwareer culus soo food-saartey; kuwa kale ayaa la arkayay iyagoo daaqadaha ka boodaya.

Ma cadda inta qof ee dhaawacmay. Booliska Ruushka ayaa sheegay in la xiray ninkii weerarka geystay. Booliska ayaa dhaawacay oo xabsiga dhigay ruuxa weerarka geystay oo la sheegay inuu yahay arday.

Dhacdadu waxay ka dhacday 11:00 (06:00 GMT) ee Jaamacadda Gobolka Perm, oo ku taal meel qiyaastii 1,300 kilomitir (800 mayl) bariga ka xigta magaalada caasimadda ah Moscow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka hubeysan uu baraha bulshada ku qoray in uu kaligiis falkan go'aansadey oo uusan ka lahayn ujeedo siyaasadeed iyo mid diimeed.

Ruushka ayaa kamid ah wadamada ugu ammaanka adag caalamka gaar ahaan dalalka reer Galbeedka si gaar ah qaaradda Yurub. Sidoo kale, waxaa naadir ka ah in laga soo wariyo dhacdooyin noocaan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM