Sisi: Si buuxdo ayaan u qaadannay dimuqraadiyadda

Image

04 November, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax al-Sisi ayaa sheegay in dalkiisa uu qabsaday wadada dimuqraadiyadda, hasayeeshee ay waqti qaadan doonto in la helo xorriyad siyaasadeed oo badan.

Wareysi uu siiyay BBC-da ka hor booqasho uu ku tagayo UK, ayuu Madaxweyne Sisi ku sheegay in aanay cadaalad aheyn in heerka dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka dalkiisa la barbardhigo kuwa wadammada Yurub, iyadoo dadka caadiga ah ee Masar ay ka cabsanayaan islaamiyiinta xagjirka ah iyo deganaanshiyo la'aanta lagu arko goobaha kale ee gobolka.

Madaxweyne Sisi ayaa sheegay in uu suuragaliyay doorashooyin xor iyo cadaalad ah, oo waxa uu intaa raaciyay in wax aanay dadka reer Masar rabin mardambe lagu maamuli doonin.

Markii uu Sisi ahaa abaanduulaha ciidammada qalabka sida ee Masar 2013-kii, waxa uu xilka ka tuuray madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo doorto ee Maxamed Mursi, kaasi oo ka tirsanaa xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka.

Xigasho:BBC

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM