Somaali wasiirnimo sheegtay oo dambiyo waaweyn lagu soo oogay

Image

WASHINGTON, US – Muwaadin Soomaali-Ameerikaan ah kaasoo loo haystay dambiyo aad u waaweyn ayaa waxaa loo diiday in damaanad lagu sii daayo.

Cabdi Yuusuf Xasan ayaa waxaa dalabkaasi ka diiday maxkamad heer federaal ah oo ku taala degmadda Brooklyn ee magaaladda New York, dalka Marekanka.

51-sano jirkan ayaa loo haystaa in uu qayb ka ahaa fal burcad badeednimo oo lagu qafaashay wariye Mareykanka ah, kaasoo muddo lagu haystay Soomaaliya.

Saxafiga oo aanan gal-dacwadeedka lagu shaacin magaciisa ayay warbaahintu ogaatay in uu yahay Michael Scott Moore, oo ah Germany-Ameerikaan.

Sidoo kale, eedeysanaha ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad ah kufsi uu kula kacay gabar dhowr iyo toban sano jir ah, taasoo aanan la magacaabin.

Moore oo ugu dambeyntii helay xorriyadiisa 2014-kii ayaa waxay kooxda afduubatay ay shuruud ka dhigtay sii deyntiisa madax furasho dhan 20 milyan.

Xasan ayaa si lamid ah waxaa lagu waramayaa in uu ahaa turjumaankiisa dableyda ficilka sameysay iyo ninka gacantiisa kusoo qoray warqadda codsiga.

Qoyska war-doonka ayaa qasbanaaday in ay bixiyaan aduun lacageed dhan 1.6 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, si wiilkooda banaanka u yimaado.

Dacwad oogeyaasha ayaa waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan caddeymo dambi-muujin oo ka dhan ah Cabdi, oo xiran tan iyo bilowgii sanadkan.

Hasa ahaatee, qareenadiisa ayaa waxay qashinka ku dareen dhamaan eedeymaha, waxayna sheegeen in kalyeentigooda uusan wax dambi ah gelin.

Sidda ku xusan warqadda cabashadda, Xasan oo laga xiray Minneapolis ayaa Mareykanka galay sanadkii 1990-kii, isaga oo ku laab-laabtay tirro dhowr jeer ah.

Sanadkii 2015-kii ayaa lagu waramayaa in uu u sheegay Waaxda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha in uu yahay wasiirkii ka shaqeeyay sii deynta wariyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM