Somaliland: Maxkamad xakun ku ridey dad Naakhuudayaal ah

Image

CEERIGAABO- Maxkamadda gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa Xukunno iskugu jira dil, xadhig iyo ganaaxyo lacageed oo  kala duwan ku ridday saddex nin oo la sheegay nay mas'uul ka ahaayeen dhimasho iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay dad tahriibayaal  oo dhawaan doontii ay saarnaayeen ku cilladawday badaha ku dhow halkaas.

Xukunkan oo uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sanaag Md. Aadan Jaamac Saleebaan ayaa waxa uu sheegay in eedeysanayaashaan ku heleen in badda ku gureen dad nool nool, isla-markaana ay ciqaab jireed u geysteen dadka intii ay doonidaasi gacantooda ku jirtey.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay  In Axmed Cumar Cabdiraxiin( Canjeex) lagu xukumay dil toogasho ah, maadaama lagu helay inuu badda ku riday dadku iyagoo nool, halka Maxamed Bashiir Maxamed gaystey garaacista dad,  laguna xukumay hal sano oo xadhig ah iyo 15000,000 lacagta Somaliland, iyadoo Maxamed Yaasiin Cali isagana lagu xukumay hal sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo ah 5000,000.

Raggan la xukumay oo dhammaantood Somalia ayaa 8 January, 2016 lagu soo qabtay xeebaha gobolka Sanaag, kadib markii doontii ay dadka ku tahriibinayeen cilladi ku timi waxana ciidamadu xaqiijiyeen inay 11-qof oo dadkaas kamid ahi gaajo iyo harraad doonida dhexdeeda ugu dhinteen, halka qaar kalena iyagoo nool ragga naakhuudayaasha ahi badda ku tuurean.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM