Somaliland: Xukun lagu ridey nin faafinayey mad-habta Shiicada

Image

HARGEYSA- Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa xukun ku ridday ganacsade u dhashay dalka Pakistan oo ku eedaysan inuu mad-habta Shiicada ku faafinayey Somaliland dhexdeeda.

Fadhi maxkamaddu saaka yeelatay oo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiil wasaaradda diinta ka tirsan iyo culimaa’udiin kale, ayuu guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Md. Cabdirashiid Maxamuud Beergeel kaga dhawaaqay in ganacsadaha u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Maxamed Raasin Xuseen, da’diisuna tahay 63-sano jir lagu riday  hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3000,000 Sl Shilling, iyadoo isla-xukunkaas mid la mid ahna lagu riday eedaysane kale oo ay isku dal kasoo jeedaan oo isagu maqane ah.

Waxa la faray madaxa laanta socdaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha in haddii dembiilahani uu xariga lagu riday iibsado in la masaafuriyo iyadoo muddo laba bilood ah fursad loo siiyo inuu hantidiisa kala baxo Somaliland.

Saraakiil ka socotay xeer ilaalinta oo madasha ku sugnaa ayaa sheegtey inaysan ku qanacsanayn xukunka la soo saaray, isla-markaana ay rafcaan u qaadan doonaan maxkamadda derejadeeda labaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM