Soomaali ku jira dad ku dhintay doon ku qalibmatay xeebaha Liibiya

Image

TRIPOLI, Libya – Shaqsi Soomaali ah balse aanan wali magaciisa iyo muuqaalkiisa la helin ayaa kamid noqday ugu yaraan shan ruux oo ku geeriyootay doon ku degtay xeebaha waddanka Liibiya, Talaadadii.

Doontan oo siday tahriibeyaal ayaa waxaa laga soo badbaadiyey 65, iyadda oo la la'yahay tobananaan kale, sidda ay sheegeen mas’uuliyiinta oo rajo ka muujiyey in lasoo heli doono tiradda kale.

Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya oo xaqiijisay geerida muwaadinkan ayaa tilmaamtay in ay ka shaqeynayso sidii meydka loogu soo wareejin lahaa, isla markaana loo aasi lahaa.

Dalka ay colaaduhu la dageen ee Liibiya ayaa noqday marinka ugu badan oo ay adeegsadeen Afrikaan magan-galyo doonka ah ee nafsadooda ku biimeynaya badda iyaga oo kusii jeeda Yurub.

Dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira kuwa ay Bariga iyo Badda kula kulmaan ayaa lasoo wariyaa inta ay safarkaasi silica badan ku guda jiraan.

Haweenka oo ah kuwa ugu nugul inta lagu guda jiro socdaalkaasi oo aanan la hubin in aad ka bixin doonto hadii bad-qaba ayaa la sheegaa in ay la kulmaan tacadiyo dhanka jirka ah.

Dowladaha wadamada ay kasoo jeeda dadkan oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa sheegay in dhalinyaraddu ay yihiin kuwa ugu badan ee tahriibaya, wallow ay ku guuldareysteen in ay xakameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM