Soomaali tahriib ku galay Italy oo jago muhiim ah ku guuleystay

Image
Cabdullaahi Axmed Macalim oo ku dhashay Muqdisho 1998-dii ayaa galay Talyaaniga 12-sano kahor.

ROMA, Italy - Soomaali qaxooti ahaan ku galay wadanka Talyaaniga ayaa si lama filaan ah wuxuu ugu soo baxay xubinimadda golaha degaanka magaaladda Torin ee gobolka Torino, sida saxaafadu qortey.

Sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah, Cabdullaahi Axmed Macalim, ayaa Italy wuxuu si tahriib ah ku galay 12-sano kahor isaga oo colaad awadeed uga qaxay Soomaaliya.

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow oo horey uga mid ahaa ciidamadda Soomaaliya ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-g=ka wuxuu ku sheegay in uu adeer u yahay wiilkan.

"Hambalyo Cabdullahi Axmed Macalim oo loo doortay Golaha Deegaanka magaalada TORINO,Italy. Cabdullahi waa wiil aan adeer u ahay oo qaxootinimo ku tegay dalka Talyaaniga.  Ilaahey ha dhawro, 2-diisa dal (Somaliya iyo Talyaaniga) iyo dadkiisana haku anfaco," ayuu ku yiri qoraalkiisa oo ay dad badan ka falceliyeen.

Sida laga soo xigtey barta uu ku leeyahay internet-ka, Cabdullaahi ayaa ku dhashay Muqdisho 1988 -dii. "Waxaan gaaray Lampedusa sannadkii 2008 -dii, ka dibna waxaan ka degay Settimo Torinese, oo ah magaalo sannadkii 2014-kii waxaa la ii aqoonsaday muwaadin sharaf," ayuu raaciyey.

Cabdullaahi oo waqti xaadirkan ah 33-sano jir ayaa wuxuu yahay aas-aasaha madal lagu soo bandhigo dhaqanka "Festival of Solidarity in Europe and the Mediterranean of Ventotene".

"Muddo sanado ah waxaan la kulmay in ka badan 100,000 oo arday, iyadoo ujeedadu tahay kor u qaadidda ololayaal loogu talagalay in lagu kordhiyo dareenka dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda ee ku aaddan ifafaalaha socdaalka," ayuu xusay.

Sanadkii 2020-ka waxaa uu kamid ahaa guuleystayaasha abaalmarinta Altiero Spinelli Award oo uu bixiyo guddiga Midowga Yurub. Si lamid ah wuxuu xagaagii hore qoray buuga caan baxay ee "LO SGUARDO AVANTI".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM