Soomaalida oo isku haysata Misaajidadii Qurbaha

Image

AMSTERDAM (GO) - Dalka Holland jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan waxaa ay isku haystaan maamulka Masjid.

Masjidkaan ayaa sida aanu xogta ku helnay waxaa isku haysta guddigii oo ahaa dhawr xubnood.

Culimada Soomaaliyeed ee Sh Mustafe Ismaaciil Haaruun iyo Sheikh Yaxye Almis oo labaduba kamid ah culimada Somaliland ayaa kamid ahaa culimo muxaadarooyin Diini ah ka jeedinayay masjidkaas dhawrkii bari ee u danbeeyay.

Dadweyne isugu jira qeybaha kala duwan ayaa masjidkaas dibad-bax kahor dhigayay sadexdaas bari iyaga oo makrafoono ku qaylinaya noosoo baxa oo na dhex gala.

Culimada Soomaalida ayaa looga bartay in ay khilaafaadka Bulshada aysan kor uga hadal iyaga oo inta badan Arimaha iyaga ku xeeran gaar ahaan Masaajidada ay khilaaf iyo shaki hareeyo.

Sidaan oo kale, Masjidka Altaqwa ee magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa muddo maamulkiisu ay Maxkamad u socotay isaga oo in muddo ah xirnaa.

Colaadaha iyo kala fogaanshiyaha bulshooyinka dhulka Soomaalida ayaa saameeya kuwa Qurbaha iyaga oo inta badan taasi ay keento in danaha guud ay ku heshiin waayaan isla markaana ay caruurtoodu ay faraha ka baxaan isla markaana ay waalidka ku adkaato keli korinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM