Soomaalida oo isku haysata Misaajidadii Qurbaha

Image

AMSTERDAM (GO) - Dalka Holland jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan waxaa ay isku haystaan maamulka Masjid.

Masjidkaan ayaa sida aanu xogta ku helnay waxaa isku haysta guddigii oo ahaa dhawr xubnood.

Culimada Soomaaliyeed ee Sh Mustafe Ismaaciil Haaruun iyo Sheikh Yaxye Almis oo labaduba kamid ah culimada Somaliland ayaa kamid ahaa culimo muxaadarooyin Diini ah ka jeedinayay masjidkaas dhawrkii bari ee u danbeeyay.

Dadweyne isugu jira qeybaha kala duwan ayaa masjidkaas dibad-bax kahor dhigayay sadexdaas bari iyaga oo makrafoono ku qaylinaya noosoo baxa oo na dhex gala.

Culimada Soomaalida ayaa looga bartay in ay khilaafaadka Bulshada aysan kor uga hadal iyaga oo inta badan Arimaha iyaga ku xeeran gaar ahaan Masaajidada ay khilaaf iyo shaki hareeyo.

Sidaan oo kale, Masjidka Altaqwa ee magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa muddo maamulkiisu ay Maxkamad u socotay isaga oo in muddo ah xirnaa.

Colaadaha iyo kala fogaanshiyaha bulshooyinka dhulka Soomaalida ayaa saameeya kuwa Qurbaha iyaga oo inta badan taasi ay keento in danaha guud ay ku heshiin waayaan isla markaana ay caruurtoodu ay faraha ka baxaan isla markaana ay waalidka ku adkaato keli korinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM