Spain oo Beenisay inay Oggolaatay Iskaashi Milatari oo ay la yeelato Mareykanka

Image
Ra'iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez

MADRID — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, Jose Manuel Albares, ayaa si adag u beeniyay hadal kasoo baxay Aqalka Cad oo sheegayay in Spain ay ogolaatay inay la shaqeyso milatariga Mareykanka, isagoo ku tilmaamay warkaasi “mid gebi ahaanba been ah,” sida ay qortay warbaahinta El Confidencial.

Albares ayaa sheegay in hadalkaasi uusan wax sal ah lahayn, isagoo yiri: “Afhayeenka Aqalka Cad ayaa laga yaabaa inuu ku hadlo magaca Aqalka Cad, balse aniga waxaan ahay wasiirka arrimaha dibadda ee Spain, waxaana si cad u beeninayaa arrintaas.”

Xafiiska raysal wasaaraha Spain ee Moncloa Palace ayaa sidoo kale meesha ka saaray sheegashadaasi, isagoo ku tilmaamay “war aan sax ahayn” oo aan ka tarjumeyn mowqifka dowladda Spain.

Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu 3-dii March ku eedeeyay Spain inay diiday kordhinta kharashaadka difaaca si loo gaaro heerka NATO ee 5% GDP, isla markaana ay ka gaabisay inay ogolaato in Mareykanku adeegsado saldhigyada milatari ee Spain si uu weerarro ugu qaado Iran.

Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay mowqifka Spain mid “aan saaxiibtinimo ahayn,” isaga oo ku hanjabay in uu jari doono xiriirka ganacsi ee labada dal.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa mar kale adkeeyay in dalkiisu uu ka soo horjeedo tallaabooyinka milatari ee ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran, isagoo ku baaqay in la joojiyo xiisadaha sii kordhaya, isla markaana caddeeyay in Spain aysan beddeli doonin mowqifkeeda ka dhanka ah dagaalka, xitaa haddii cadaadis la saaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM