Taksiile Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka

Image
Image
Image

WASHINGTON, USA - Taksiile Soomaali ah, Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi, 24-jir, ayaa Arbacadii 5-ta May waxaa lagu dilay magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka, sida ay xaqiijiyeem mas'uuliyiin dhanka ammaanka ah.

Booliska Moorhead oo qoraal ku daabacay barta ay ku leeyihiin mareegga Facebook, ayaa shaaca ka dhigay in ay xireen Willie Alonzo Sparkman, 18-jir, kaasoo lagu tuhunsan yahay toogashada.

Bileyska oo meydka helay markii ay tageen goobta ay wax ka dhaceen, ayaa wuxuu tuhunsan yahay in Sparkman uu "qorsheynaayey in uu dhaco marxuumka".

Sawirada iyo muuqaalada laga soo qabtey meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya gaariga Cabdullaahi oo ku dhacay mid kale oo yaala meel u dhow wadadii ku socday isla markaana burbur uu ka dhashay.

Sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah, Sparkman oo lagu soo qabtey howlgal aan wax khasaaro ah ka dhalan ama uusan sameyn wax iska caabin ah ayaa wuxuu wajahayaa dacwad darajada labaad oo dil ah.

"Abaare 11:30 Arbacadii [waqtiga Mareykanka] ayaan helnay fariin ka timid dadweynaha. Markii aan tagnay meesha ay wax ka dhaceen ayaan ugu tagnay burburka gaariga. Kadib baaritaan waxaan soo qabanay tuhunsane. Marxuumka iyo eedeysanaha isma yaqaaniin," ayaa lagi yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii laba oo Soomaali ah uu walaalkooda ku dilay isla gudaha Mareykanka. Dhacdadaas oo argagax abuurtay waxay soo afjartay qoys dhan oo aabahood iyo hooyadood horey u dhinteen kaliyana ay kasoo hartay hal gabadh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM