Taliban oo bilowday beegsiga magaalooyinka Afghanistan

Image

KABUL, Afgaanistaan - Magaalo ku taal koonfur-galbeed ee waddanka Afgaanistaan ​​ayaa noqotay xarun goboleedkii ugu horreeyey ee dalkaas oo u-gacanta-u-gasha falaagadda Taliban sannadihii la soo dhaafay.

Dhowr sarkaal degaanka ah ayaa sheegay in Taalibaan ay qabsadeen Zaranj, oo ah caasimadda gobolka Nimroz, galabnimadii Jimcaha, taasoo dharbaaxo weyn ku ah ciidamada dowladda.

Tan iyo markii ay baxeen ciidamadda shisheeye, dagaalameyaasha Talibaan ayaa la wareegtay dhul ballaaran. Horey waxay u qabsadeen dhul baadiye ah waxayna hadda beegsanayaan magaalooyinka muhiimka ah.

Gobolada ay caasimadahoodu wajahayaan cadaadiska aadka u xooogan waxaa ka mid ah Herat oo ku taal galbeedka, iyo magaalooyinka koonfureed ee Kandahar iyo Lashkar Gah.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afghanistan, Deborah Lyons, ayaa Jimcihii sheegtay in dagaalka ka socda dalka uu galay “marxalad cusub, oo dhimasho badan leh, oo aad u burburin badan”, iyadoo bishii la soo dhaafay la dilay in ka badan 1,000 qof oo rayid ah.

Waxay ka digtay in dalku ku wajahan yahay "masiibo", waxayna ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay soo saaraan "bayaan aan mugdi ku jirin oo ah in weerarada ka dhanka ah magaalooyinka ay tahay in hadda la joojiyo".

"In la weeraro deegaannada magaalooyinka waa in si ulakac ah waxyeello weyn loo geysto lana sababo khasaare badan oo rayid ah. Si kastaba ha ahaatee, beegsiga magaalooyinka waaweyn ayaa u muuqda go'aan istiraatiiji ah oo ka yimid Taliban, oo aqbalay gumaadka dhici kara," ayay tiri.

Markii ugu dambaysay ee Taalibaan qabsadaan magaalo -madaxda gobolku waxay ahayd sannadkii 2016 -kii, markaasoo ay muddo kooban haysteen magaalada Kunduz ee dhacda woqooyiga waddankaas.

Goor hore oo Jimcihii ah ayay maleeshiyada Taliban waxay dileen agaasimihii xarunta warbaahinta dawladda Afgaanistaan ​​ee Kabul. Taliban ayaa sheegtay in Dawa Khan Menapal "lagu ciqaabay fal uu sameeyay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM