Taliban oo bilowday beegsiga magaalooyinka Afghanistan

Image

KABUL, Afgaanistaan - Magaalo ku taal koonfur-galbeed ee waddanka Afgaanistaan ​​ayaa noqotay xarun goboleedkii ugu horreeyey ee dalkaas oo u-gacanta-u-gasha falaagadda Taliban sannadihii la soo dhaafay.

Dhowr sarkaal degaanka ah ayaa sheegay in Taalibaan ay qabsadeen Zaranj, oo ah caasimadda gobolka Nimroz, galabnimadii Jimcaha, taasoo dharbaaxo weyn ku ah ciidamada dowladda.

Tan iyo markii ay baxeen ciidamadda shisheeye, dagaalameyaasha Talibaan ayaa la wareegtay dhul ballaaran. Horey waxay u qabsadeen dhul baadiye ah waxayna hadda beegsanayaan magaalooyinka muhiimka ah.

Gobolada ay caasimadahoodu wajahayaan cadaadiska aadka u xooogan waxaa ka mid ah Herat oo ku taal galbeedka, iyo magaalooyinka koonfureed ee Kandahar iyo Lashkar Gah.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afghanistan, Deborah Lyons, ayaa Jimcihii sheegtay in dagaalka ka socda dalka uu galay “marxalad cusub, oo dhimasho badan leh, oo aad u burburin badan”, iyadoo bishii la soo dhaafay la dilay in ka badan 1,000 qof oo rayid ah.

Waxay ka digtay in dalku ku wajahan yahay "masiibo", waxayna ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay soo saaraan "bayaan aan mugdi ku jirin oo ah in weerarada ka dhanka ah magaalooyinka ay tahay in hadda la joojiyo".

"In la weeraro deegaannada magaalooyinka waa in si ulakac ah waxyeello weyn loo geysto lana sababo khasaare badan oo rayid ah. Si kastaba ha ahaatee, beegsiga magaalooyinka waaweyn ayaa u muuqda go'aan istiraatiiji ah oo ka yimid Taliban, oo aqbalay gumaadka dhici kara," ayay tiri.

Markii ugu dambaysay ee Taalibaan qabsadaan magaalo -madaxda gobolku waxay ahayd sannadkii 2016 -kii, markaasoo ay muddo kooban haysteen magaalada Kunduz ee dhacda woqooyiga waddankaas.

Goor hore oo Jimcihii ah ayay maleeshiyada Taliban waxay dileen agaasimihii xarunta warbaahinta dawladda Afgaanistaan ​​ee Kabul. Taliban ayaa sheegtay in Dawa Khan Menapal "lagu ciqaabay fal uu sameeyay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM