Taliban oo ciribtireysa dhaqan looga bartey hogaankeeda

Image
Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo kooxda ay 20-sano kadib kusoo laabatay talada Afghanistan.

KABUL, Afghanistan – Kooxda Taliban ayaa ku dhawaaqdey in hogaamiyeyaasheeda ay dhowaan kasoo muuqan doonan shaashadaha xilli horey looga bartay in ay iska qariyaan kaamirooyinka sababo ku aadan in aysan bartilmaameed u noqon duqeymaha iyo weeraradda "cadowgooda".

Sarkaal sare oo ka tirsan kooxdan la wareegtay talada dalka Afghanistan ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Amiiradooda ay soo afjari doonan 20-sano oo ay ku jiraan nolol qarsoodi ah.

"Si tartartiib ah ayuu dunida u arki doonaa hogaankeena ma jiri doonto wax daaha gedaashiisa ka socon doona," ayuu yiri sarkaalkan kaasoo dalbadey in magaciisa aanan lala wadaagin saxaafada.

Dagaalameyaasha Taliban ayaa, sida uu ka dhawaajiyey sarkaalkan, waxaa lagu amray in aysan u dabaaldegin guusha lama filaanka ah oo ay dhowaan garaan kana mid tahay qabsashada xarunta Kabul.

Shacabka ayuu ku nuux-nuux-sadey in waajib ay tahay in ay iska soo wareejiyaan hubka iyo rasaasta ay guriyahooda ku haystaan.

Guusha kooxda Taliban u horseeday in ay talada Afghanistan dib ugu soo laabtaan ayaa ka dambeysay markii dalkaas ay faarujiyeen dhamaan ciidmaddii ajnabiga ahaa ee uu hogaaminayey Mareykanka.

Dowlad cusub ayaa lagu waddaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan. Lama ogga haddii ay noqon doonto mid ku meelgaar ah oo dhabaha u xaareysa xukuumad rayid oo dadweynuhu codkoodu dhiibtaan. Balse, waxaa la saadaalinayaa in ay noqoneyso mid ka bilaabata kuna idlaata isla Taliban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM