Taliban oo ka hadashay qorshaha uga degan haweenka

Image

KABUL, Afghanistan - Hoggaamiye Taalibaan ayaa ku dhawaaqay in muusiga laga mamnuuci doono Afgaanistaan ​​waxaana dumarka laga rabaa inay la safraan nin Muxrim ah marka safarku qaadanayo dhowr maalmood, waxaa uu balanqaadey Zabihullah in Talibaan ay noqon doonto mid ka dabacsan sidii ay ahaayeen 20 sano ka hor.

Wareysi uu siiyay wargayska New York Times, afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in iyada oo haweenka loo oggolaan doono in ay shaqada ku laabtaan oo ay safaro u aadaan iskuulka, iyo isbitaallada, waxay u baahnaan doonaan nin muxrim ah oo safarada fog u raaca.

"Muusiggu waa mamnuuc diinta Islaamka, laakiin waxaan rajaynaynaa inaan dadka ka dhaadhicin karno inay sameeyaan waxyaalahaas oo kale, halkii aan ku cadaadin lahayn," ayuu yiri Mujaahid.

Mujahid wuxuu sheegay in ay ka duwanaan doonaan xukunkan Taliban marka loo eego taliskii hore.

Dhanka kale, Dadka reer Afghanistan ayaa buuxdhaafiyey garoonka diyaardaha Kabul iyagoo isku dayaya iney baxsadaan taliska Taliban, laakiin saraakiisha reer Galbeedka ayaa sheegay in Taliban ay ballanqaaday in qaar ka mid ah daadgureynta la oggolaan doono ka dib dhammaadka usbuuca soo socda.

In ka badan 80,000 oo qof ayaa la daadgureeyay tan iyo 14-kii Ogosto, laakiin dad aad u fara badan ayaa weli ku sugan bannaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul iyagoo rajeynaya inay ka cararaan halista aargoosi iyo caburinta Afgaanistaan ​​oo ay Taliban hoggaamiso.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in Taliban ay ballanqaadday inay u oggolaanayso bixitaanka dadka Mareykanka, “halista ugu jira” Afgaanistaan ​​iyo dadka ka yimid waddamada kale xitaa ka dib markii ay ka baxaan garoonka Kabul.

Geesta kale, Mareykanka, Ingriiska iyo Australia ayaa muwaadiniintooda uga digey agagaarka garoonka diyaardaha ee Kabul.

Warar dhinaca sirdoonka ah ayaa sheegaya in kooxda ISIS damacsan tahay in weerar argagixiso halkaas la beegsato.

Garoonka diyaardaha Kabul ayaa waxaa weli ka socda daad-gureynta dadka haysta waraaqaha dal ku galka dalalka ciidamadu ka joogeen Afghanistan iyo shaqaalihii dadka reer Afghanistan ee u shaqeeynayey xogagaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Gabdho Soomaali ah oo xukun adag lagu riday

Labada gabdhood, oo racfaan ka qaadan kara xukunka, ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.

  • Caalamka

    25-01-2025

  • 05:28AM

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM