Taliban oo magacowdey madaxa bangiga dhexe ee Afghanistan

Image
Xaaji Mohammad Idiris ayaa, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed, wuxuu jagadan usii haynayaa si ku meelgaar ah.

KABUL, Afghanistan - Taalibaan ayaa waxay magacawday ku-simaha madaxa bangiga dhexe ee Afghanistan si uu gacan uga geysto fududeynta xalinta khalkhalka dhaqaale ee sii kordhaya.

Talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa in ka badan toddobaad ka dib markii kooxdu qabsatay caasimadda Kabul taasoo horseeday in mas'uuliyiinta sare ay ka cararaan waddankaas.

Xaaji Mohammad Idiris ayaa loo magacaabay sii-haayaha guddoomiyaha bangiga dhexe "si uu gacan uga geysto sidii nidaam loogu heli lahaa dhaqaalaha uu curyaamiyey dagaalka.

Dhaqaalaha Afghanistan ayaa hoos ugu dhacay si weyn iyaddoo muddo ka badan hal toddobaad bangiyo badan xiran yihiin xafiisyo badan oo dowladeedna ay faaruq yihiin.

"Waxaa la filayaa inuu gacan ka geysto abaabulka hay'adaha iyo wax ka qabashada arrimaha dhaqaalaha ee soo food saaray dadweynaha," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid.

Dhanka kale, Iiraan ayaa maalmo ka hor dib u billowday dhoofinta shidaalka iyo gaaska Afganistan markii ay codsi ka heshay Daalibaan, sida uu sheegay Ururka Shidaalka, Saliidda iyo Gaaska Iiraan.

"Daalibaan waxay farriimo u direen Iran iyagoo leh 'waad sii wadi kartaan dhoofinta badeecadaha batroolka'," ayuu Hamid Hosseini, oo xubin ka ah guddiga midowga ahna afhayeenka Tehran, u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah ganacsatada Iiraan ay taxaddar sameeyeen sababo la xiriira amniga.

Hosseini ayaa raaciyey: "Dhoofinta Iiraan ayaa bilaabatay maalmo ka hor, ka dib markii Taalibaan ay jartay canshuuraha alaabada laga soo dhoofiyo Iran ilaa 70 boqolkiiba".

Dhinaca kale, Daalibaan ma aqbali doonaan in la kordhiyo waqtiga howlgalka daadgureynta Afghanistan, sida uu afhayeen u hadlay kooxda u sheegay Al Jazeera. Tallaabadani waxay la macno tahay "ballaarinta shaqada" taasina waa "khad cas", sida uu ka dhawaajiyey Suhail Shaheen, oo xubin ka ah wafdiga Taliban ee Doha, caasimadda Qatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM