Taliban oo Osama bin Landen ka fogeysay weeraradii 9/11

Image
Mareykanka ayaa aas-aasihii shabakada Al-Qaacida ku eedeeyay beegsigii xarunta ganacsiga aduunka iyo Pentagon-ka.

KABU, Afghanistan - Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in aysan jirin "wax cadayn ah" oo muujinaya in Usaama Bin Laadin uu ku lug lahaa weeraradii argagixiso ee Mareykanka dhacay September 11, 2001-ka.

Doorka uu ku lahaa Bin Laden qorshihii weerarradii daaraha mataanaha ayaa Usaama ka dhigtey baxsadaha ugu wayn ee laga baadi goobayo adduunka ilaa ciidamada Ameerikaanku dileen 2011-kii.

Zabihullah Mujahid, afhayeenka Talibaan, ayaa hadalkan jeediyay kadib markii kooxda Islaamiyiinta ay ballanqaadeen inaysan ogolaan doonin in Afghanistan mar kale saldhig looga dhigo Al-Qaacida.

"Markii Mareykanku doonayey Usaama Bin Laadin, wuxuu joogay Afghanistan. In kasta oo aysan jirin wax caddeyn ah inuu ku lug lahaa 9/11," ayuu Mujaahid ugu sheegay talifishinka NBC wareysi uu baahiyay Arbacadii. "Hadda, waxaan ballan qaadnay in ciidda Afgaanistaan ​​aan cidna loo adeegsan doonin".

Markii ugu dambaysay ee awoodda haysay, Taliban waxay Usaama daganaasho ka siisey Afghanistan, oo la dagaallamay ururkii ka soo horjeeday Midowgii Soofiyeeti 1980-kii xilligaas oo la dhisay shabakadda argagixisada Al-Qaacida.

Kadib weeraradii 2001-dii lagu qaaday xarunta Ganacsiga Adduunka iyo Pentagon -ka oo uu maleegay Bin Laden, Madaxweyne George W. Bush wuxuu ka dalbaday Daalibaan inay u soo gacan geliyaan oo ay burburiyaan xerooyinka lagu tababaro argagixisada.

Markii Taalibaanku diideen dalabkaas, maamulkii Islaamiyiinta ee Afghanistan waxaa afgambiyay Isbahaysigii Waqooyiga Afgaanistaan ​​iyo duqaymaha cirka ee Maraykanku hoggaaminayo.

Saraakiisha militariga ayaa ka digay in burburka dowladda Afgaanistaan ​​uu sidoo kale la micno noqon karo dib u soo noolaanshaha Al-Qaacida. In kasta oo kooxda si aad ah loo wiiqay tan iyo 2001, haddana dagaalyahannadoodu waxay ku sugan yihiin Afghanistan.

Bishii Abriil, sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay Congress-ka in al-Qaacida "ay sii wadi doonto qorsheynta weerarada ayna raadinayso inay ka faa'iideysato iska-hor-imaadyada gobollada kala duwan".

Taalibaan oo xukunka kusoo laabatay 20-sano kadib markii ay baxeen inta badan ciidamadii shisheeye ayaa ku adkeysaneysa in Al-Qaacida aysan gabbaad u noqon doonin Afgaanistaan .

Qaramada Midoobay ayaa bishii June ka digtay in al-Qaacida ay ku sugan tahay 15 ka mid ah 34-ka gobol ee Afgaanistaan, inta badanna ku yaalla gobollada bariga iyo koonfurta ee dalka.

Taalibaan iyo al-Qaacida "si aad ah ayay isugu dhow yihiin mana muujiyaan wax muujinaya inay xiriirka u jareen," ayay tiri Qaramada Midoobay oo warbixin dhinacyo kala duwan taabaneysa soo saartey.

Falanqeeyaha u dhashay waddanka Afgaanistaan ee lagu magacaabo ​​Cabdul Sayed ayaa rumeysan in xiriirku ahaa "mid wanaagsan oo ka xoog badan xilligii ka horreeyay 9/11". Balse, waqti xaadirkan cidna kama war haydo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Gabdho Soomaali ah oo xukun adag lagu riday

Labada gabdhood, oo racfaan ka qaadan kara xukunka, ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.

  • Caalamka

    25-01-2025

  • 05:28AM

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM