Taliban oo sii wada weerarada xili ay socdaan dedaalo nabadeyn ah

Image

KABUL, Afghanistan – Dagaalameyaal ka tirsan Taliban ayaa laba weeraro kaga geystay Afghanistan wax ka yar shan casho xili wada xaajoodyadda ay kula jirto Mareykanka ee nabadeynta ah ay qarka u saaran yihiin in la dhameeyo.

Duulaanada oo ahaa kuwa toos ah ayaa ka kala dhacay magaalooyinka muhiimka ah ee Puli Khumri iyo Kunduz, halkaasi oo ay ku dishay tobanaan u badan askar, wallow dhinacooda uu khasaaro jiro.

Saraakiisha ammaanka oo xusay in ay ciidamadu gaarsiiyeen waxyeelo dhanka "cadowga" ayaa war-fidiyeenka u sheegay in dadka la laayey uu ku jiro sarkaal sarre, wallow uusan magacaabin.

Afhayeen u hadlay falaagaddan kaasi oo guulo sheegtay ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in ay khaarijiyeen "askar badan", inkasta oo uusan tirro shaacin.

Wada hadalada oo ka socda Qadar ayaa waxaa u jeedkoodu yahay in lasoo afjaro colaado gaamurtay ee dalkaasi ka socoto mudada tobanaanka sano ah, ayna ku naf-waayeen kuna baro kaceen tobanan.

Zalmay Khalilzad, ergayga Mareykanka u qaabilsan wada xaajoodyadda oo uga digay Taliban in ay sii wada gulufyadda ayaa waxa uu ku tartarsiiyey in ay ka baaqsato ayna ilaaliso ahmiyada wada hadalka.

Afhayeenka Madaxtooyadda xukuumadda Kabul, Sediq Sediqqi ayaa Twitter-kiisa wuxuu ku yiri "Taliban ma rumeysana in fursadani nabadda oo ay siiyeen Mareykanka iyo dowladda Afghanistan".

Qodobada miiska saaran ee la filayo in ay kasoo baxaan wareegan ayaa ah xabad-joojin, heshiisyo awood qeybsi iyo dhabaha la isugu imaanayo wareega kan xiga.

Afghanistan, dal dhaca koonfurta qaaradda Afrika, ayaa muddo sanado ah dhexda uga jira colaado, waxaana ay ciidamo ka joogan Mareykanka oo ka fuliya duqeymo iyo gulufyo ka dhan ah Taliban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM