Taliban oo toogatay majaajiliiste caan ka ahaa Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan - Dilka majaajiliiste Nazar Mohammad, oo loo yaqaanay Khasha Zwan, oo ka dhacay gobolka Kandahar ee Afghanistan, ayaa mowjado argagax leh ku abuuray guud ahaan daafaha dunida.

Majaajiliistaha oo horay uga soo shaqeeyay Booliiska Kandahar ayaa lagala baxay gurigiisa habeenimadii Khamiista waxaana dilay kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoon, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha.

Qoyska majaajiliiste ayaa ku eedeeyay kooxda Taliban inay ka dambeysay weerarka. Si kastaba ha noqotee, kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ayaa beenisay inay ku lug leedahay.

Hase ahaatee, muuqaal goor dambe soo baxay wuxuu muujiyey dagaalameyaasha Taliban oo su'aallo waydiinaya koomikiistan iyadda oo la wariyey in kalkii dambe ay dil toogasho ku fuliyeen.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo kooxda Taliban ay xoojisay weerarada ka dhanka ah ciidamada amaanka Afghanistan ayna sheeganayaan inay qabsadeen ku dhowaad 70 boqolkiiba dhulka dalkaas.

Qoysasku waxay ka cararayaan aagagga ay dagaalladu ka socdaan ee gobolka Kandhar waxayna gabaad ka dhiganayaan xeryaha qoxootiga ee ay dejisay dowladda Afghanistan.

Mudane ka tirsan baarlamaanka oo laga soo doorto Kandhar, Syed Ahmad Sailab, ayaa u sheegay TV-ga India Today TV in dabaaldega Ciida kadib, Taalibaan ay xoojiyeen weerarada ay ku hayaan ciidamada Afghanistan ee ku sugan guud ahaan gobolka Kandhar, dadka u qaxayaan si ay u helaan badbaado qarkana u saaran yihiin inay u dhintaan gaajo.

"Waxaan go'aansanay inaan siino quraac iyo cunno labo jeer dhamaan qoysaska lagu qasbay inay ka baxaan tuulooyinkooda si ay u gaaraan Kandahar," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray sharci-dejiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM