Taliyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo u hanjabay Israa’iil

Image

TEHRAN - Taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran Hossein Salami ayaa uga digay Israa'iil inay weerar dhanka dhulka ah ku qaado Qasa, isagoo sheegay in haddii ciidamada Israa'iil ay fuliyaan weerarkaas, "halkaas lagu aasi doono."

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, Salami ayaa u sheegay Israa'iil: "Waxaan u sheegaynaa in ay joojiyaan dabka ay hurinayaan ka hor inta ay iyagu ku guban”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, ayaa dhankiisa warqad uu u diray madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Volker Türk ku sheegay in weerarrada Israa’iil ay gaareen heer lagu magacaabi karo Xasuuq wadareed.

Sidoo kale, Horaantii Arbacadii, hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hogaaminayo dambiyada laga geysanayso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM