Taliyihii amniga madaxtooyadda Haiti oo xabsi loo taxaabay

Image

WASHINGTON, USA - Madaxa amniga ee xarunta madaxtooyada Haiti ayaa xabsiga la dhigay, sida ay sheegeen saraakiil Khamiistii, iyadoo baaritaanka dilka todobaadkii la soo dhaafay ee madaxweyne Jovenel Moïse uu sii karaar-qaatay.

Agaasimaha guud ee booliska Haiti, Léon Charles, ayaa xaqiijiyay in taliyaha amniga madaxweynaha Dimitri Hérard sidoo kale laga qaaday darajada ciidanimo. Ma cadda, si kastaba ha noqotee, in Hérard uu wajahayay wax dambi ah oo la xiriira dilka ama haddii darajo ka xayuubinta ay tahay mid joogto ah.

Hérard wuxuu bartilmaameed u ahaa carada sii kordheysa ee ka imaaneysa dadka reer Haiti kuwaas oo ka dalbaday inay ogaadaan sida koox loo haysto inay dileen madaxweynaha ay ugu muuqdeen inay si fudud ku soo galeen guriga Moïse goor hore subaxnimadii 7-dii July.

Bed-Ford Claude, oo ah dacwad ooge Haiti ah, ayaa u sheegay The Washington Post in nidaamka caddaaladda ee dalka "uu doonayo [Hérard] inuu ka jawaabo su'aalaha."

Dhanka kale, Taliyaha Booliska Qaranka Colombia ayaa shaaca ka dhigay in madaxii hore ee wasaarada cadaalada Haiti, Joseph Felix Badio, uu fure muhiim u ahaa dilkii madaxweynaha Haiti.

Vargas ma bixin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo sheegashooyinka ka dhanka ah Badio, kaliya waxay ku celcelisay in macluumaadkan uu ka yimid guddiga wadajirka ah ee maamulka Kolombiya iyo Haiti ee ku lug leh baaritaanka.

Ma jirin wariyeyaal ku sugnaa qolka si ay su’aalo u weydiiyaan taliyaha booliska Colombia markii uu duubayay muuqaalka taas oo meesha ka saareysa daahfurnaanta iyo kalsooni ku qabida hadalkiisa.

Moise ayaa lagu dilay Arbacadii lasoo dhaafay weerar lagu qaaday hoygiisa gaarka ah, wuxuuna khaarijintiisa Haiti ku tuuray qalalaase siyaasadeed iyadoo dad badan oo hada u tartamayaan hogaaminta wadanka dhaca Caribbean-ka.

Mas'uuliyiinta ayaa shaaca ka dhigay in howlgalka ay ka qeyb qaateen ugu yaraan 26 qof oo reer Colombia ah, qaar ka tirsanaan jiray militariga Colombia, oo ay shaqaaleysiiyay shirkad dhinaca amaanka ah oo fadhigeedu yahay Florida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo aag laga ilaaliyo amniga Ruushka ka sameynaya xuduudda Ukraine

Dhanka kale, Khamiistii, gobolka Kursk ayaa markale la weeraray. Sida uu sheegay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee gobolka.

  • Caalamka

    26-05-2025

  • 04:44AM

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM