Tirada askarta Ruushka looga dilay dagaalka Ukraine oo la shaaciyay

Image
Baaritaan ay sameysay BBC-da ayaa lagu xaqiijiyay geerida tiro sideed jibaar ka badan inta ay xaqiijisay Moscow.

LONDON, United Kingdom - Tirada militariga Ruushka ee ku dhimatay Ukraine ayaa hadda dhaaftay 50,000 oo askari, sidda ay warisay BBC-da.

BBC-da Ruushka, kooxda warbaahinta madaxa banaan ee Mediazona iyo mutadawiciin ayaa tirinayey dhimashada tan iyo bishii Febraayo 2022.

Xabaalo cusub oo laga qodey meelo ay kamid tahay duleedka caasimada Moscow  ayaa gacan ka geystay in la helo  magacyada askar badan. 

In ka badan 27,300 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay sannadkii labaad ee dagaalka - sida ku cad baaritaanka warbaahinta BBC-da.Ruushku wuu diiday inuu ka hadlo kiiskan.

Tirada guud ee dhimashada - in ka badan 50,000 - ayaa sideed jeer ka badan qirashada rasmiga ah ee dadweynaha ee tirada dhimashada ee waligeed ay soo bandhigtay Moscow Sebtembar 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM

Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu….

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 04:46PM