Tirada askarta Yahuuda ee lagu dilay duulaanka Gaza oo la shaaciyay

Image
Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay tirokoobkan iyadda oo soo xiganaysa milatariga Israa'iil.

DOOXA, Qadar - Saddexda qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza waxaana ku jiray sarkaal 19-sano jir ah oo ka tirsanaa Guutada 931-aad iyo labo taliye oo da’doodu u dhaxeyso 20 iyo 21, oo labaduba ka tirsan guutada “Geffen”.

Ugu yaraan 134 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa ilaa hadda lagu dilay duulaanka dhulka ee Gaza, waxaana ku dhaawacmay 740 kale, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Arbacadii, iyadoo soo xiganaysa militariga Israa’iil.

Lama oga in saddexdii dhimasha ee ugu dambeysay ay ku jiraan tirada guud ee waxyeeladda soo gaaray ciidamadda huwanta ah ee Israa'iil ee ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, Ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo guryaha u galay, isla markaana xabsiga u taxaabay dad badan.

Dhacdadan ayaa waxa ay dhabaha u xaartey in ay isku dhaceen ciidamadda Yahuuda iyo dhallinyaro deegaanka ah oo ka dhacay meelo badan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Rasaas toos ah iyo bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa la isku adeegsaday intii uu socday iska horimaadka, inkastoo aysan jirin warar hordhac ah oo sheegaya dhaawacyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM