Tirada dadka ku dhintay marinka Qasa oo kor u dhaaftay 8 kun

Image

QASA (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee marinka Qasa ayaa sheegtay Isniintii in ugu yaraan 8,306 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha socda ee Israa’iil ay ku hayso Qasa tan iyo 7-dii October.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tirada dhimashada dadka ku sugan Daanta Galbeed ay gaartay 329 falastiiniyiin ah tan iyo bishii Janaayo, oo ay ku jiraan 121 tan iyo todobadii bishan.

Afhayeenka Bisha Cas ee Falastiin, Nepal Farsakh, ayaa shaaca ka qaaday in jarista isgaarsiinta iyo adeegyada internetka ee marinka Qasa ay caqabad ku noqotay shaqada kooxaha gargaarka degdeg ah ee ka howlagalka marinka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadaan balaarinta howlgallada dhulka ee Marinka Qasa, iyagoo xaqiijinaya dilka tobanaan ka tirsan Xamaas iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha militariga ee ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM