Tirada dadka ku dhintay Qasa oo kor u dhaaftay 21 Kun oo qof

Image
Ciidamada Israa’iil ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay gaysteen ilaa 18 xasuuq.

QASA (GO) - Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in tirada dhimashada ay gaartay 21,110, halka kuwa ku dhaawacmayna ay gaarayaan 55,243, taasoo ka dhalatay duqeymaha Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa tan iyo 7-dii October.

Wasaaraddu ayaa sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, in ay 241 qof ku dhinteen duulaanka, iyaga oo intaas ku daray: “24-kii saac ee la soo dhaafay ciidamada Israa’iil waxa ay gaysteen ilaa 18 xasuuq oo ka dhan ah qoysas dhan, waxaana ku dhintay 241 shahiid, 382 kalena way ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyey beegsiga ay ku hayaan agagaarka xarunta caafimaadka ee Naasir, ilo-wareedyo caafimaad oo ku sugan Qaza ayaa muujiyay cabsida ay ka qabaan inay dib loo geysto xasuuqii ka dhacay xarunta caafimaadka ee Al-Shifa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM