Tirada dagaalameyaasha Xisbullah oo lasoo bandhigay

Image
Dibadbax lagu dalbanayey inuu is-casilo garsoore Tarek Bitar ayaa Khamiistii isku rogay rabshado hubeysan.

BEIRUT, Lebonan — Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay in dhaq-dhaqiisa uu haysto 100,000 oo dagaal-yahan “oo tababaran islamarkaana hubeysan,” isaga oo hadlayey kadib rabshadihii dhimashada lahaa ee toddobaadkii tegay ka dhacay magaalada Beirut.

Hassan Nasrallah oo jeediyey khudbad laga sii daayey taleefishinka ayaa ku eedeeyey xisbiga Kirishtanka Lubnaan ee LF inay ka dambeeyeen dilka toddoba xubnood oo ka tirsan kooxdiisa iyo kooxda ay Shiicada ah ee ay xulufada yihiin ee Amal, kuwaas oo lagu dilay dibadbax dhacay Khamiistii.

"Waxaa markii ugu horeysay qasab igu ah inaan ku dhowaaqo tiradan,” ayuu yiri Hassan Nasrallah oo sharxaya shaac ka qaadista tirada dagaal-yahanadiisa, taasi oo uu sheegay inuu uga dan leeyahay “inuu ka hortago dagaal, ee aanu ku hanjabeyn dagaal sokeeye.”

Nasrallah ayaa hadlayey ayada oo ay sare u kacday xiisadda ka taagan Lubnaan ee ka dhalatay garsoore loo magacaabay inuu baaro qaraxii sanadkii tegay ka dhacay dekeedda Lubnaan, kaasi oo ay ku dhinteen 210 qof, islamarkaana dhaawacay kumanaan kale.

Rabshadaha ayaa Khamiistii ka qarxay Beirut kadib markii taageerayaasha Xizbullah iyo Amal ay dhigeen dibadbax ay ku dalbanayaan inuu is-casilo garsoore Tarek Bitar.

Xizbullah iyo Amal ayaa ku eedeeyey dadka wax toogta ee xisbiga Kirishtanka ee LF inay billaabeen dagaalka.

Hase yeeshee hoggaamiyaha LF, Samir Geagea ayaa beeniyey, wuxuuna sheegay in dadka degan xaafadda Kirishtanka ee Ain al-Remmaneh “ay iska difaaceen maleeshiyo ka tirsan Xizbullahi oo isku dayey inay galaan guryahooda.”

Nasrallah ayaa ku baaqay baaritaan go’aan looga gaaro cidda mas’uul ka ah dhiigga daatay isaga oo yiri “Sababtoo ah ma aqbali karno in dhiigga walaalaheen uu dhulka ku daato, innaga oo aan waxba sameyn.”

AFP + VOA

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM