Tirada Soomaalida wax ku noqotey duqeyntii Libya oo korodhay

Image

TRIPOLI, Libya – Diblumaasiyiinta Soomaaliya ayaa waxay bixiyeen fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha muwaadiniinta wax ku noqotay duqeyntii ugu dambeysay ee Libya.

Weerarka cirka ah oo aanan wali la kala caddeyn cidda mas'uulka ka ahayd ayaa lagu beegsaday goob lagu hayey qaxooti ah, kuwaasi oo isugu jira kuwa ka yimid dalal ay ku jiro Soomaaliya.

Safaaradda Tripoli ayaa xaqiijisay in illaa iyo haatan ay hubiyeen in afar muwaadin ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi xili ay muujisay suurogalnimada in khasaaraha uu korodho.

Qaramada Midoobay iyo hay’addo kale oo cambaareeyay falkaasi ayaa waxay ku tilmaameen "dambi dagaal" iyaga oo codsaday in ay baaritaano madax banaan lagu sameeyo cidda ka dambeysay.

Howlgalka Soomaaliya ee Libya ayaa wuxuu dib u saxdey war ay siisay warbaahinta kaasoo ku aadanaa in haweenay Soomaali ah ay ku dhimatay duqeyntaasi.

Najaax Cabdi Sugaale oo ka timid dhulka Soomaali Galbeed ayaa waxaa dhaawacyo ay kasoo gaareen markii uu kusoo dumay darbi kadib duqeyntii xooganeyd.

"Gebi ahaanba dadka dhaawacmey xaaladooda waa lala tacaalayaa," ayay tiri safaaradda oo codsatey taageero dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, dadkii ka badbaadey duqeyntaasi oo lagu eedeeyay falaada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira dowladda Yemen ayaa waxay dalbanayaa in la daad-gureeyo isla markaana meelo kale oo ammaan ah la gaayo.

Yemen, waddan ay colaado ka socdaa muddo sanado ah welina aysan muuqan ifafaalo nabad ah, ayaa waxa uu marin u noday muhaarijiinta kusii qulquleysa wadamada reer Galbeed kuwaasi oo dhibaato la kulma.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM