Tiradda Israa'iil ay ku dishay Gaza oo kor u dhaaftay 30,000 qof

Image
Dhanka kale, cisbitaalka kaliya ee ka shaqeeya waqooyiga Gaza ayaa joojiyay shaqada shidaal yaraan awgeed.

DOOXA, Qadar - Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dhulka Falastiiniyiinta ee dagaalka Israa’iil ay ka wado dhulkaasi ay kor u dhaaftay 30,000 oo qof.

"Tirada Shuhadadu waxay ka badan tahay 30,000," ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. Waxay intaas ku dartay in dhimashadu ay ku jirto ugu yaraan 79 dhimasho ah oo la soo sheegay hal habeen.

Dhanka kale, cisbitaalka kaliya ee ka shaqeeya waqooyiga Gaza ayaa joojiyay shaqada shidaal yaraan awgeed, taasoo ka dhigtay dadka deegaanka inay ka maqan yihiin adeegyada daryeelka caafimaadka ee muhiimka ah.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee fadhigeedu yahay magaalada duqeymaha ku socdaan ee Gaza ayaa lagu sheegay in isbitaalka Kamaal Adwan la xiray.

War saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in gabi ahaanba uu istaagay dhaq dhaqaaqii isbitaalka kadib shidaal la’aan iyo matoorrada oo aan shaqeyn karin.

"Dadka deggan gobolka ma heli karaan adeegyada sifaynta kiliyaha, daryeelka degdegga ah, daryeelka carruurta, daawaynta gudaha, daryeelka wadnaha, qalliinka guud iyo adeegyada degdegga ah ee habeen iyo maalinba," ayay tiri.

Israa’iil ayaa go’doomin curyaamin ah ku soo rogtay Qaza, taasoo keentay in dadkeeda ay qarka u saaran yihiin macaluul, gaar ahaan dadka deggan waqooyiga magaaladda oo xaaladda ku adag tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM