Tobanaan ku dhintay dab qabsaday isbitaal ku yaala Ciraaq

Image
Image

NASSIRIYA, Iraq — Ugu yaraan 44 qof ayaa ku geeriyooday, in ka badan 67 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab loo maleynayo inuu ka dhashay qarax haanta oksijiinka ee isbitaalka lagu dabiibo bukaannada Coronavirus ee ku yaal magaalada Nassiriya ee koonfurta Ciraaq, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo booliska.

Shaqaalaha gurmadka ayaa galay dhismaha isbitaalka al-Hussain oo qiiq hareeyay, iyagoo raadinaya meydad dheeri ah, waxaana Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi uu kulamo deg deg ah la yeeshay golohiisa wasiiradda.

Al-Hussain ayaa amar ku bixiyay in shaqada laga joojiyo, isla markaana la soo xiro maareeyeyaasha caafimaadka iyo kuwa madaniga ah ee Nassiriya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo xaafiiskiisa ka soo baxay.

Isbitaallada iyo nidaamka caafimaadka ee Ciraaq markii horeba waxaa baabi'iyay dagaallo iyo cunaqabatayn, iyadoo Ciraaq ay hadda la halgameyso la tacaalidda dhibaatada COVID-19 oo ay ku dhinteen 17,592 oo qof, uuna ku dhacday in ka badan 1.4 milyan.

"Shaqaalaha caafimaadka ayaa meydad gubtay ka soo saaray isbitaalka oo gubanaya, iyadoo bukaanno badan ay la qufacayeen qiiqa sii kordhaya," ayuu yiri wariye ka tirsan wakaalada wararka Reuters oo ku sugan goobta uu dabka ka kacay.

Warbixinnada horudhaca ah ee booliska ayaa sheegaya in haanta oksijiinka ee ku qaraxday gudaha qaybta cisbitaalka ee COVID-19 ay u badan tahay inuu sababo dabka" ayuu yiri nin ka tirsan booliiska oo ku sugan goobta uu dabka ka kacay.

Bishii April, dab ka dhashay qarax haanta oksijiinka ee isbitaal lagu dabiibo bukaannada COVID-19 ee magaalada Baqdaad ayaa dilay ugu yaraan 82 qof, halka 110 kalena ay ku dhaawacmeen.

VOA + GO

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM