Tobanaan ku dhintey duqeyn Xuutiyiinta la eegteen xero weyn

Image

SANCA, Yemen - Ugu yaraan 30 askari ayaa lagu dilay 60 kalena waa lagu dhaawacay duqeymo Xuutiyiinta ay ku beegsadeen saldhig milateri oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo.

Xeradan ayaa ku taala koonfur galbeed Yemen, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada koonfurta iyo ilo caafimaad oo ay soo xigatay warbaahinta Turkiga laga leeyahay ee TRT World.

"Xuutiyiinta ayaa dhowr weerar ku qaaday iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan iyo gantaalaha ballistic -ga ee saldhigga milateri ee Al Anad," ayuu raaciyey Mohamed al Naqeeb.

Naqeeb ayaa xusay in tirro u dhaxeysa 30 ilaa 40 askari la dilay ugu yaraan 60 kalena la dhaawacay, isagoo intaa ku daray in laga yaabo in geeridu sii kororto maadaama gurmadka uu weli ka socdo goobta.

Ciidamada koonfureed ee Yemen ayaa ka mid ah isbahaysiga boqortooyadda Sacuudi Carabiya ay hogaamineyso. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca fallaagada.

Laba ilo caafimaad ayaa wariyey in dhowr mayd ay soo gaareen isbitaalka weyn ee gobolka Lahj oo ay la socdaan 16 kale oo dhaawac ah. Ma cadda in dad rayid ah ay ka mid ahaayeen dadka waxyeelladu soo gaartay.

Dadka deegaanka ayaa tibaaxay in dhowr qarax oo xooggan laga maqlay aagga Al Anad, oo qiyaastii 70 km (43 mayl) waqooyi ka xigta magaalada dekedda leh ee Cadan.

Dhowr kale oo ka mid ah dadka ku nool magaalada lagu muransan yahay ee Taiz ayaa tabiyey inay maqleen gantaallada ballistic-ga oo laga soo tuuray xaafadaha bariga magaalada ee ay Xuutiyiintu haystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM