Trump: Ciidamada Mareykanka ha toogtaan doon kasta oo miino dhigaysa Hormuz
WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu amray ciidamada badda ee Maraykanka inay “toogtaan oo dilaan” doon kasta oo lagu arko inay miinooyin dhigeyso marinka Strait of Hormuz, iyadoo xiisadda Mareykanka iyo Iran ay sii korortay.
Qoraal uu ku faafiyay bartiisa Truth Social, Trump ayaa sidoo kale ku celiyay sheegasho uu hore u sheegay oo ah in dhammaan maraakiibta ciidamada badda Iran ay “ku jiraan badda hoosteeda” kadib dagaallo iyo weerarro uu ku tilmaamay kuwo socday.
“Waxaan amray Ciidamada Badda Mareykanka inay toogtaan oo dilaan doon kasta oo yar-yar oo miinooyin dhigeysa biyaha Strait of Hormuz. Waa in aan wax laba-labayn ah jirin,” ayuu yiri Trump. “Sidoo kale, miino-furayaashayada ayaa hadda ka shaqeynaya marinka, waxaana amray in hawshaas la kordhiyo saddex laab.”
Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa hakisay inta badan dhoofinta shidaalka ee marinka Hormuz, halkaas oo qiyaastii 20% saliidda caalamka ay marto. Wadahadallada labada dhinac ayaa sidoo kale hakad galay toddobaadkan.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in nadiifinta miinooyinka badda ay qaadan karto bilo haddii dagaalku uu dhammaado.
Dhinaca kale, Pentagon-ka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay Jimcihii qabsadeen markab kale oo shidaal siday oo lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay Iran, kaasi oo laga qabtay Badweynta Hindiya.
Iran ayaa horay u weerartay saddex markab oo ganacsi oo marayay Strait of Hormuz, halka ay sidoo kale qabatay laba markab. Telefishinka dowladda Iran ayaa baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo ciidamada badda Iran oo la wareegaya maraakiibtaas.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Panama ayaa cambaareysay qabashada mid ka mid ah maraakiibtaas oo ka babanayay calanka Panama, isla markaana ay lahayd shirkadda MSC Francesca ee Talyaaniga. Panama ayaa ku tilmaantay falkaas “jebin sharciyada caalamiga ah” iyo “khatar amni oo badeed.”
Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aan la dejin waqti cayiman oo lagu soo afjarayo xiisadda Iran, isagoo hore u kordhiyay xabbad-joojinta si aan waqti lahayn.
Sidoo kale, diblomaasiyiin ka socda Lubnaan iyo Israel ayaa maanta ku kulmaya Washington si ay uga wada hadlaan kordhinta xabbad-joojin jilicsan oo toban maalmood jirtay, taas oo ku eg Axadda soo socota.
GAROWE ONLINE