Trump: Dagaalka Iran “si degdeg ah" ayaan kusoo afjari doonaa
WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu uu si xowli ah ugu dhowaanayo soo afjaridda dagaalka kala dhexeeya dalka Iiraan.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, Trump ayaa yiri: "Dagaalkaas si aad u dhakhso badan ayaan u soo afjari doonaa. Aad ayay u rabaan inay heshiis galaan, waayo way ka daaleen xaaladdan." Wuxuu intaas ku daray inuu rabo in arrintan lagu xalliyo si saaxiibtinimo iyo nabad ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Tehraan aan marnaba loo oggolaan doonin inay hantididdo hubka nukliyeerka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ammaanay awoodda ciidanka dalkiisa, isagoo xusay in hawlgalladii ugu dambeeyay ay wiiqeen awooddii ciidan ee Iiraan. "Ciidankeenna ayaa ugu weyn adduunka... Waxaan burburinnay ciidankoodii badda, ciidankoodii cirka waa uu dhammaaday, gantaaladii difaaca cirka na sidoo kale waa ay meesha ka baxeen. Dhammaan agabkii ay u isticmaalayeen dagaalka waa la burburiyay," ayuu yiri Trump.
Dagaalkan iyo xiisaddan xooggan ee gobolka Bariga Dhexe ayaa billowday ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weeraro ku qaadeen gudaha Iiraan bishii Febraayo. Iiraan ayaa iyaduna kaga jawaabtay weeraro ay ku qaadday Israa'iil iyo xulafada Mareykanka ee Khaliijka, iyadoo sidoo kale xirtay marinka muhiimka ah ee Hormuz.
In kasta oo xabbad-joojin ay dhexdhexaadinaysay Pakistan ay dhaqangashay 8-dii April, haddana wadahaddaladii ka dhacay magaalada Islamabad ayaa guuldarraystay inay keenaan heshiis waara, taas oo keentay in Trump uu si aan xadidnayn u kordhiyo muddada xabbad-joojinta si loo raadiyo heshiis kama dambays ah.
GAROWE ONLINE