Trump: "Iiraan waxay u baryaysaa heshiis, waxaana miiska saaran inaan la wareegno saliidooda"

Image

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalku qarxay qabtay shirka golihiisa wasiirada, isagoo soo saaray hadallo kulul oo ku saabsan xaaladda dalka Iiraan iyo mustaqbalka dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Trump ayaa sheegay in hoggaanka Iiraan ay hadda "u baryayaan si dhab ah" sidii ay heshiis ula geli lahaayeen Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya inay Washington tahay tan raadinaysa wadahadalka.

Madaxweyne Trump ayaa daaha ka rogay in Iiraan ay dhowaan oggolaatay inay gudbaan 10 markab oo ah kuwa saliidda qaada (Oil Tankers), kuwaas oo soo maray marinka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz. Trump ayaa tallaabadan ku tilmaamay "hadiyad" ay Tehraan u soo dirtay si ay u muujiyaan inay dhab ka tahay wadahadalka.

"Waxay u oggolaadeen siddeed markab oo waaweyn inay gudbaan horraantii toddobaadkan, ka dibna laba kale ayaa ku xigay. Tani waa calaamad muujinaysa inay rabaan heshiis," ayuu yiri Trump. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hoosta ka xariiqay in Mareykanku uu ka fiirsanayo fursad kasta, isagoo yiri: "In Mareykanku uu la wareego saliidda Iiraan waa doonasho noo furan (option)."

Trump ayaa ku faanay in hawlgallada millatari ee ka dhanka ah Iiraan ay u socdaan si ka dhaqso badan sidii la filayay. Wuxuu xusay in qorshihii markii hore la qiyaasay inuu qaadanayo 4 ilaa 6 toddobaad lagu guuleystay qaybo badan oo ka mid ah muddo 26 maalmood gudahood ah.

"Waxaan qiyaasnay inay nagu qaadan doonto qiyaastii afar ilaa lix toddobaad si aan u fulino hadafkeena. Maanta oo ay tahay maalintii 26-aad, waxaan aad iyo aad uga horreynaa jadwalkii noo degsanaa," ayuu u sheegay golihiisa wasiirada.

Madaxweynaha ayaa muujiyay niyad-jab weyn oo uu ka qabo gaashaanbuurta NATO, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabiyeen taageerada gurmadka ee dagaalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan xaqiijin karin in Iiraan ay miinooyin ku daadhisay marinka Hormuz, isagoo yiri: "Waxaan burburinnay dhammaan wixii awood u lahaa inay miinooyinka daadiyaan."

Ugu dambeyntii, Trump wuxuu digniin kama dambays ah u diray Tehraan, isagoo ugu baaqay inay "si joogto ah" uga tanaasulaan hammigooda nukliyeerka. Haddii kale, wuxuu xusay in Mareykanku uu u noqon doono "riyadii ugu xumayd" (worst nightmare) ee ay abid arkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo dishay Taliyihii Ciidamada Badda Iiraan xilli khasaaruhu sii kordhayo

In kasta oo bartilmaameedyadu u muuqdaan kuwo military, haddana khasaaraha dadka rayidka ah ayaa ah mid aad u baaxad weyn.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 04:18PM

Iran maraakiibta dalalka aan "cadowga" ahayn u furtay Hormuz

Bayaankan ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha Bariga Dhexe tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil...

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 11:05AM