Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."
WASHINGTON - Dagaalka ka socda Bariga Dhexe ayaa si toos ah u saameeyay suuqyada tamarta caalamka, iyadoo qiimaha gaaska ee UK uu si weyn u kacay—koror ka badan 20%—kadib weerarro lagu qaaday xarumo shidaal iyo gaas oo ku yaalla Iiraan iyo Qatar.
Dhowaan, gantaallo laga soo riday Israa’iil ayaa ku dhacay goobta South Pars ee dalka Iiraan, oo ah keydka gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn caalamka. Iiraan ayaa si degdeg ah uga jawaabtay, iyadoo duqeymo ka fulisay xarunta sifeynta shidaalka ee Ras Laffan ee Qatar.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal dheer ku daabacay baraha bulshada, isagoo sheegay in Mareykanku uusan wax war ah ka hayn weerarka Israa’iil. Wuxuu sidoo kale caddeeyey in Qatar aysan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi, isla markaana aysan ka warqabin qorshahaas.
Trump wuxuu sheegay in Israa’iil ay si xoog leh u weerartay xarunta South Pars, isagoo ku tilmaamay fal ka dhashay xiisadda sii kordheysa ee gobolka. Isla markaana wuxuu Iiraan uga digay in haddii ay mar kale weerarto Qatar, Mareykanku uu qaadi doono tallaabooyin aad u culus oo lagu beegsanayo kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah.
Xiisaddan sii fidaysa waxay si weyn u saameysay dalalka Khaliijka, iyadoo dhammaan gobolka uu si toos ah ugu lug yeeshay dagaalka ka bilowday weerarro ay si wadajir ah u qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil dabayaaqadii February.
Dhanka kale, Sacuudiga ayaa sheegay inuu fashiliyey isku day weerar oo ay Iiraan ku beegsaneysay mid ka mid ah xarumaha gaaska.
Qiimaha shidaalka caalamka ayaa sidoo kale si weyn u kacay, iyadoo saliidda Brent ay gaartay qiyaastii $113 halkii foosto, taasoo muujineysa culeyska dhaqaale ee sii kordhaya. Marinka Hormuz, oo qaada ku dhowaad 20% sahayda shidaalka adduunka, ayaa hadda si weyn u xanniban kadib markii maraakiib lagu bartilmaameedsaday, taasoo sii kordhisay hubanti la’aanta dhaqaale ee caalamka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dalal gaar ah ay heshiisyo toos ah la galeen Iiraan si maraakiibtoodu u maraan marinka si ammaan ah, balse khubaradu waxay ka digayaan in xaaladdu u gudbeyso heer halis ah oo ku saabsan sahayda tamarta.
Falanqeeyayaal dhaqaale ayaa tilmaamaya in dagaalkani uusan dhowaan dhammaan doonin, isla markaana uu ka gudbay heerkii dhibaato gaadiid oo kaliya, una gudbay khatar dhab ah oo sahayda tamarta ah, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta suuqyada caalamka iyo qiimaha mustaqbalka.
GAROWE ONLINE